| 50 ruux
oo qaxooti Somali ah ayaa lagu soo celyey dalkooda
dadkani ayaa mudo 14 ku noola wadanka jabuuti iygoo Qaxooti Somaali ah
ayaa dhulkooda lagu soo celyay waxa ay qeyb ka ahaayeen boqolaal qoys oo ku
harsanaa xerada qaxootiga Cali cadde wadanka jabuuti
Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo
yaqaan UNHCR ayaa horaantii sanadii 2004 ta waxa ay ogolaatay in ay gacan ka
siiso dowladda Jabuuti dib u celinta dadkaaan degaanadooda, balse waxaa
hakad galiyay xiligii kuleylaha Jabuuti.
Dadkani ayaa markoodii hore waxa ay ka yimadeen tuulooyin hoostaga
degmooyinka Lughaye iyo Boorame ee W/galbeed Somaliya.
Hadaba soo celinta qaxootigan ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda wadaniga
ah ee Onaaris iyo UNHCR.
Afhayeen u hadlay labadan hay’adood ayaa waxa uu sheegay in dadkan
qaxootiga ah qofkiiba la siiyay raashin uu quudan karo ilaa 9 bilood iyo
lacag dhan 40$, waxa uuna intaasi ku daray in dadka qaxootiga ah ee ku jira
xerada Cali Cadde raristooda la soo gaban gabeyn doono horaanta sanada 2006
da.
Dhinaca kale wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegayaan in
39 kii ruux ee ka badbaaday doonidii ku qaraqantay badda Jabuuti la
gaarsiiyay gargaar isugu jira raashin iyo Bustayaal, iyadoo deeqdaasina ay
gaarsiiyeen muwaadiniin reer Jabuuti ah.
35 ruux oo ka mid ah dadkaasi waxaa la geeyay xero ay leeyihiin ciidamada
qalabka sida oo lagu magacaabo Sheekh Cusmaan halka 3da ruux ee kalena ay ku
jiraan isbitalka Belitee ee magaalo madaxda Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin mustaqbalka
dadkaan.
ay ku soo celisey somaliya oo imnka ay geesha caalamka in dhaha ku hayso
sidii wax looga qaban lahaa dadka naftooda ku maan sheeynaaya biyha caalamka
Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho Somaliya
|