|
Wasiirka amniga qaranka dowladda FS Max'ed Qanyare Afrax ayaa waxa uu
sheegay in wax wada hadal aanu la yeelaneyn Ra'isulwasaaraha dowladda FS
prof. Cali Max'ed Geedi oo isagu ku sugan magaalada Muqdisho.
Wasiirka aniga dowladda FS Max'ed Qanyare Afrax oo u waramayay saxaafad
ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaruhu ay yihiin rag
hareermaray sharciga, taasina ay ka dhigeyso in aanu jirin wax kala sareyn
ah iyo dowlad toona, isagoo intaasi kuy daray in marka ay ka soo guuraan
magaalada Jowhar oo ay yimaadaan Muqdisho oo ay ka shaqeeyaan ay taasi
keeneyso in la wada hadlo oo la isku soo dhawaado, balse inta ay Jowhar
joogaan aanu wax wada hadal ah iyo kulamo aanu la yeelan doonin.
Wasiirka amniga Qaranka Max'ed Qanyare Afrax ayaa waxa uu sheegay in
Imaashaha Ra'isulwasaare Geedi isagu aan waxba ka quseyn isla markaana aanu
wax kulan iyo wada hadal aanu la gali doonin.
Qoraalo uu sheegay in Kenya ay geeyeen Ra'isulwasaare Geedi iyo xubnaha
Jowhar taasoo uu ku sheegay in ay doonayeen in ay ku xiraan Airaboorka
Dayniile iyo Ceel-axmed Balse ay u suurtogaliweysya, isagoo sheegay in ay ku
fashilmeen howshaasi isla markaana Airaboorka Deryniile uu yahay mid iminka
si caadi ah u shaqeeya uuna yahay Airaboor Private ah oo si gaar ah loo
leeyahay kuna shaqeysato Ganacsato.
Hadalka wasiirka amniga qaranka ayaa yimid xilli Shalay magaalada
Muqdisho ay soo gaareen Ra'isul-wasaare Cali Max'ed Geedi isla markaana uu
sheegay in wada hadal uu la galaayo xubnaha golihiisa wasiirada ee xagga
siyaasadda isaga soo horjeeda.
Muxyaadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|