Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Qarax sababay dhaawac badan oo ka dhacay Shineemo ku taala Muqdisho.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay goob aflaanta lagu daawado ee degaanka NBC ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka dib markii kooxo aan la garaneyn ay ku qarxiyeen quraararad laga soo buuxiyey shidaal oo bam ahaan ay u isticmaaleen.

Qaraxaan oo aad looga maqlay agagaarka degaanka NBC ayaa waxa uu dhacay abaarihii 9:30 fiidnimo, waxa uuna sababay dhaawaca 5 ruux sida uu RSTV u xaqiijiyey goobjooge ku sugnaa halkaasi marka qaraxa uu dhacay. Oo lagu magacaabo Faarax Cali Warsame.

Lama garanayo kooxaha falkaasi geeystay, iyadoo qaraxaasi la xaqiijiyey in uu ahaa quraarad laga soo buuxiyay shidaal oo bam ahaan loogu tuuray shineemada, waxaana 3 ka mid ah dadkii dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxaasi la geeyay isbitalka madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daweynayo sida ay RSTV u xaqiijaiyeen qaar ka mid ah kalkaaliyaasha isbitalkaasi.

Xiriir aanu la sameynay milkilaha shineemadaasi ayaysan noo suuro galin in aan ka helno xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen, mana ahan markii ugu horeysan oo qaraxyo ceenkaan ah lala beegsado shineemooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkaan gudahiisa ay aheyd markii shineemo ku taal xaafadda Buulo Xuubeey oo lagu daawanayay Ciyaar qarax bam oo ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Midowga maxkamadaha islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa iyagu waday maalmaihii la soo dhaafay howlgalo ay ku baabi;inayaan shineemooyinka aflaanta lagu daawado ee ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo howlgaladaasi si weyn ay dadka u soo dhaweeyeen.

Inta badan shilalka ka dhaca shineemooyinka ayaa ka dhasha murano u dhaxeeya daawadayaasha oo dabadeedna waxaa dhaca gacan ka hadal dhex mara daawadayaasha.

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

jakuula@hotmail.com