Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Qarax Miino oo dad ay ku Geeriyooden kuna dhaawacmeen inta udhaxaysa Ceelwaaq Kenya iyo Ceelwaaq Somaliya

Wararka ka naga soo gaaraya gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayaan in inta u dhaxeyso Ceelwaaq Kenye iyo Ceelwaaq Somaliya ay gaari miino kula qaraxday, iyadoo qaraxaxaasi dad badan ay ku geeriyoodeen.

4 ruux ayaa ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur nuucyada xamuulka ah ay miino kula qaraxday 4tii galabnimo ee maanta inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceelwaaq Kenya iyo Ceelwaaq Somaliya.

Baabuurkaas xamuulka ah oo ay la socdeen dad rakaab ah yaa ka soo kictamay xiligaasi magaalada Ceelwaaq Kenya, isagoo isla mar ahaantaasi ku soo jeeday dhinaca magaalada Ceelwaaq Soomaaliya.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii miinada ayaa la keenay magaalada Ceelwaaq Soomaaliy, iyadoo xiligaan oo degaankaasi ka jirin waxdaryeel caafimaad oo wax looga qaban karo dadka dhaacaca ah maadaama degmadu aysan la heyn rug caafimaad oo lagula tacaalo dadka bukaanka ah.

Ilaa iyo iminka lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa qaraxa miinadaan oo la sheegayo in galabta uun lagu arkay halkaasi,iyadoo maalmihii la soo dhaafay dadka iyo gaadiidka ay si caadi ah u marayeen wadadaasi.

Qaraxaan oo si weyn looga dareemay labada magaalo ee Ceelwaaq Somaliya iyo Ceelwaaq Kenya ayaa waxa uu hakad galiyay isus socodkii gaadiika iyo dadka,iyadoo raashinkii gargaarka oo galinkii dambe la filayay in uu u soo gudbo dhinaca magaalada Ceelwaaq uu hakad weyn ku yimid.

Odayaasha labada beelood ee ku sugan magaalada Ceelwaaq ayaa falkani ku tilmaamay mid waxiishnimo ah isla markaana wax saameyn ah aan ku yeelan Karin howlaha nabadeed ee haatan socda, iyagoo isla mar ahaantaana sheegay in kuwa had iyo jeer falalka xasilooni darada ah geysanaya in la soo qaban doono sharcigana la horkeeno doono

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa weerarkaan ka horeeyay mid kale oo jimcihii la soo dhaafay koox maleeshiyo ah oo la tuhun san yahay kuwa miinada dhigay in ay ku koox yihiin bambooyin ay ku weerareen Hotel ay daganaayeen qaar ka mid ah shaqaalah Hay’adda Samafalka oo xiligaasi ku guda jirey qeybinta Raashin Gargaar ah.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya