Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Qarax dad ay ku dhinteen kun dhaawac meen oo magaalada Baydhabo maanta ka dhacay

3 ruux ayaa dhimatay inka badan 17 kale waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qarax xoogan ka dhacay bartamaha suuqa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qaraxani ayaa la sheegay in uu ka dhashay xabad baasuuko ah oo la doonayay in lagala baxo maar ku jirtay, waxaana wararku ay sheegayaan in xabadaasi ay aheyd mid daxaleysatay.

3 daxda geeriyootay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa ninkii garaacayay xabadda Qoriga Baasuukaha, halka labada kale ay ahaayeen nin oday ah iyo wiil dhalinyaro ah oo ka agdhowaa halka qaraxa uu ka dhacay.

Sidoo kale todo iyo tobankii ruux ee ku dhaawacmay qaraxaasi oo intooda badan ahaa dad ka ganacsanayay suuqa magaalada Baydhabo oo qaarkood laga deyriyay xaaladooda ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Muqdisho.

Waxaan la sheegay Qaraxaani in uu saameyn ku yeeshay habsami u socodka dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee suuqa magaalada Baydhabo, inkastoo qadar rubuc saac ah ka dib dadkui ay howlahoodii ganacsi dib u bilowdeen

Dad goob joog ka ahaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid argagax galiyay dadka degaanka isla markaana dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Baydhabo.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail .com Muqdisho Somalia