Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

QARAX HAREYEEY SAFARKII R/ WASAARAHA UU KU YIMID MUQDISHO.

Qaraxa hareeyay safarka Ra'isulwasaaraha DFS Prof. Cali Max'ed Geedi oo ka dhacay wadada u dhaxeysa Suuqa Xoolaha iyo Hotel Ramadaan ayaa waxaa ku geeriyooday 3 ruux halka 12 kale ay ku dhaawacmeen.

10 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitalka Madina halka labada kale ladhigay isbitalka xayaat ee magaalada Muqdisho, iyadoo 7 ka mid ah dhaawaca ay xaaladoodu aad u liidato.

Ra'isulwasaare Geedi iyo wafdigiisa oo waxyar ku hakaday Hotel Ramadan ayaa waxa ay u soo gudbeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Siomalia, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen taageerayaasha isbaheysiga SNA ee uu hormuudka ka yahay wasiirka arimaha gudaha ahna Ra'isulwasaare K/xigeenka arimaha gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid.
xeysa Suuqa Xoolaha iyo Hotel Ramadaan ayaa waxaa ku geeriyooday 3 ruux halka 12 kale ay ku dhaawacmeen.

10 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitalka Madina halka labada kale ladhigay isbitalka xayaat ee magaalada Muqdisho, iyadoo 7 ka mid ah dhaawaca ay xaaladoodu aad u liidato.

Ra'isulwasaare Geedi iyo wafdigiisa oo waxyar ku hakaday Hotel Ramadan ayaa waxa ay u soo gudbeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Siomalia, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen taageerayaasha isbaheysiga SNA ee uu hormuudka ka yahay wasiirka arimaha gudaha ahna Ra'isulwasaare K/xigeenka arimaha gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid.

Ra'isulwasaare Geedi oo halkaasi khubada ka jeediayay ayaa waxa uu sheegay in balanti ay aheyd xubnaha labada gole ee dowladda FS in uu isaga ugu yimaado magaalada Muqisho.

Waxa uu sheegay in xafiiska dowladda FS uu horey uga furnaa magaalada Muqdisho isla markaana uu ka shaqeynayay Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid.

Ra'isulwasaaraha dowladda FS Cali geedi ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay wado qorshe ay ku dooneyso in nabad ay ku soo dabaasho guud ahaan wadanka Somaliya, isagoo sheegay in Soomaalidu aysan u baahneyn ciidamo shisheeye, balse iyadu gudaheeda ay heshiiso isla markaana ay sameysato ciidamadii nabada sugi lahaa.

Geedi ayaa waxa uu intaasi uu ku daray in maalinta berri ah kulan ay siugu imaan doonaan golaha wasiirada dowlada FS oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, isagoo tilmaameen in shacabka Soomaaliyeed ay ogaan doonaan cida waxu qabaneysa iyo cida caqabada ku ah.

Qarax Bamgacmeed ayaa haatan ka hor bishii April Markii Ra'isulwasaare Geedi uu yimid magaalada Muqdisho uu ka dhacay gudaha Stadium Muqdisho halkaasoo waxyeelo ay ka soo gaartay ilaaladii ra'isulwasaare Geedi.

Safarkii labaad ee Ra'isulwasaaraha uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay qarax bam.

MUXYADIIN CALI JIMCAALLE JAKUULA

JAKUULA@HOTMAIL.COM

MUQDISHO SOMALIYA