Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Q.M : Soomaaliya waxaa ku qulqulaya hub fara badan.

Yemen: “waxaan siinay DFS hub si ay hubka ugu dhigto burcadda joogta Soomaaliya

Q.M ayaa ku eedeysay wadamada Yemen, Ethiopia iyo Eritrea inay jebiyeen xayiraada xaga hubka ee saaran Soomaaliya wixii ka dambeeyey sanadkii 1992-kii.

Khuburo ka tirsan Q.M ayaa sheegay in hubka Soomaaliya ku soo qulqulaya uu yahay mid sii kordhaya sideedii bilood ee ugu dambeysay, iyadoo hubkaasina uu isaugu jiro mid si dhuumaaleysi ah loo soo geliyo iyo mid shixnido ah oo Soomaaliya kaga yimaada wadamada Yemen, Ethiopia iyo Eritrea, taasoo xadgudub ku ah xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Gudi khuburo ah oo ka kooban afar xubnood, oo uu magacaabay goilaha amaanka ee Q.M, ayaa shalay soo bandhigay hindise ah in golaha ay tahay inuu xayiraad ku soo rogo dhoofinta dhuxusha, iyo maraakiibta shisheeye ee ka kaluumeysanaysa biyaha Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen ilo daqli u soo xareeya qab qablayaasha dagaalka oo ay ku soo iibsadaan hubka.

Warbixinta ayaa diiwaan gelisay ilaa 175 heshiis oo lagu kala iibsaday hub la soo geliyey Soomaaliya sideedii bilood ee la soo dhaafay, taasoo warbixintu ay ku sheegtay inay kordheen 378% ilaa sanadkii hore, iyadoo heshiisyada hubka lagu soo iibiyey ay ku lug leeyihiin ilaa 10 wasiir oo magacyadooda aan la shaacin iyo madaxweynaha dowlada FS C/laahi Yuusuf Yuusuf.

Hogaamiyayaasha maleeshooyinka waxa ay canbshuur ka dalbadaan maraakiibta dhuxusha qaada ee u iib-geeya wadamada Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Yemen.

Biyaha xeebta Soomaaliya oo ay ku jiraan kheyraad badan oo dabiici ah, ayaa waxaa inta badan ka kaluumeysta maraakiib shisheeye, kuwaasoo la afduubto lana weydiisto madax furasho lacageed.

labadaba dowlada FS oo ay ku jiraan raga horey ahaan jiray hogaamiye kooxeedyo ka soo hor jeeda qeybta madaxweynaha ayaa isu diyaarinaya iska hor imaad militeri, waa sida lagu sheegay warbixin oo ka kooban lixdan bog.


"hanaanka siyaasadda Soomaaliya waxaa imminka uu jiheystay isu diyaarin dagaal” ayay hadalkooda ku sii dareen guddiga Q.M u qaabilsan la socodka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Xukuumadda Yemen ayaa qiratay in ugu yaraan shan kun oo ah qoryaha fudud in ay siisay waxa ay Yemen ugu yeertay dowladda sharciga ah ee Soomaaliya si dowladda ay hubka ugu dhigto burcadda hubeysan.

Laakiin warbixintan ayaa sheegtay in madaxweyne C/hi Yuusuf uu isku sii dayay in dowladda Yemen uu kala xaajooda sidii uu ugu iibsan lahaa Baasuukayaal, hubka lagula dagaalamo dabaabadaha, gantaaladda garbaha laga rido iyo hub kale.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Ethiopia ay hub siisay maleeshiyooyinka DFS qeybta madaxweynaha inkastoo Dowladda ay dafirtay arrintaasi.

Guddigan Q.M ayaa sidoo kale sheegay in militeriga Ethiopia ay tababar siiyeen maleeshiyooyinka dowladda ee madaxweyne C/hi yuusuf taageersan.

Waxaa intaasi dheer, oo ay warbixintan Q.M sheegtay in dalka Eritrea uu isna hub siiyay wasiiradda hubeysan ee ku sugan muqdishu sida mid la mid ah tan Ethiopia.

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula

jakuula@ hotmail.com

muqdisho somaliya