|
Qaramada Midoobay oo an sixisay Qaraar lagu canbaaraynaayo Hubka ku qul
qulqqyo Somaliyaaa
Golaha amaanka ee Q,M ayaa ansixiyay qaraar lagu cambaareynayo sare u
kaca qulqulka hubka ee Somaliya sida sharci darada ah ku soo galaya kaasoo
golaha amaanka uu ku tilmaamay mid xadgudub ku ah cunaqabteyntii 13 jirsatay
ee Q.M Soomaaliya ku soo rogtay 1992 dii.
Guud ahaan 15 ka dal ee xubnaha ka ah golaha amaanka ee Q,M ayaa shalay
waxa ay cambaareyn dusha kaga tuureen sare u kaca weyn eeku yimid qulqulka
hubka iyo rasaasta ee soo galaya Somaliya oo ay ku tilmaameen mid xadgudub
ku ah xayiraada xagga hubka ee Q.M ay dul saartay Somaliya sanadkii 1992 dii,
Waxaaana sidoo kale golaha uu ku tilmaamay arintan halis weyn oo hortaagan
hanaanka nabadda ee Somaliya.
Golaha amaanka oo sheegay in xaaladda Somaliya ay halis ku tahay nabada
iyo amaanka caalamka ayaa golaha waxa uu ugu baaqay xoghayaha guud ee Q.M
Mr.Kofi Anan in gudiga soo indha indheynaya isla markaana ilaalinaya
xadgudubyada loo geysto xayiraada hubka ee saaran Somaliya in mudo 30 cesho
gudahooda la howlgaliyoi mar kale oo ka bilaabaneysa taariikhda la qaatay
qaraarkani iyo in gudigaasi loo sii kordhiyo mudo 6 bilood ah in ay sii
indho indheeyaan xayiraada xagga hubka ee saaran Somaliya.
Gudigaan ayaa howshiisu ay tahay in uu dib u eego xayiraadii hubka ee la
saaray Soimaliya sanadkii 1992 dii ka dib markii Somaliya ay gashay Fowdo
sanad ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Somaliya
Max'ed Siyaad Barre.
Golaha ayaa gudigani waxa uu ku amray in gacan uu ka geysto sheegista
goobaha gobolka Geeska Africa ee la xoojin karo si loo ilaaliyo xayiraada
xagga hubka ee Saaran Somaliya, waxaa sidoo kale goilaha uu ka dalbaday
Gudigani in ay dib u soo cusbooneysiiyaan oo ay soo bandhigaan shaqsiyaadka
iyo dalalka k xadgudbay talaabooyinkan hubka lagu soo galinayo Somaliya,
iyadoo sidoo kale Golaha uu sheegay in la carabaabo dadka iyagu gacan ka
geysta in Somaliya hub la soo galiyo si golaha amaanka talaabooyin uu uga
qaado dadkaasi.
War bixinta la siiyay golaha amaanka oo Gudigaan ay diyaariyeen ayaa
waxaa lagu sheegay dowladaha Ethiopia, Yemen iyo wadan 3aad oo aan la
magacaabin oo ku yaala geeska Africa in ay ku xadgudbeen xayiraada hubka
saaran Somaliya oo hub fara badan ay u qeybiyeen kooxaha is haya ee ka wada
tirsan dowladda FS.
Waxaa intaasi dheer oo war bixinta loo gudbiyay golaha amaanka ay
xuseysay in dad ka ganacsatada hubka oo ah shaqsiyaad una dhashay wadanka
Yemen iyo kooxda Jabhadda ee wadanka Ethiopia ee la yiraahdo ONLF in ay sii
hurinayaan xasiloonida Soomaliya, iyagoo hub keenaya suuq ku yaala magaalada
Muqdisho waa sida lagu sheegay war bixintaasi.,
War bixinta ayaa dowladaha Ethiopia iyo Yemen lagu eedeeyay in hub ay
siiyeen dowladda FS garabka Jowhar ee madaxweyne C/laahi Yuusuf oo isagu
kaga careysiiyay hogaamiyeyaasha Muqdisho markii uu diiday in yy yimaada
magaalada Muqdisho, isagoo fariisin ka dhigtay magaalada Jowhar.
War bixinta ma aysan xusin wadanka 3aad ee ku lugta leh shixnadaha hubka
sharci darada ah ee Somaliya la keenayo laakiin gacan yareyaal ku dhow
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay sheegeen in
Ereterea ay hub keento Somaliya ayna siiso kooxaha ka soo horjeeda
madaxweyne C/laahi Yuusuf, iyadoo kaga aargudaneyso taageerada Ethiopia ay
siiso dhinaciisa.
Bishii Luliyo ee sanadkan ayay aheyd markii golaha amaanka uu gaashaanka
ku dhuftey codsiyo ka soo yeeray madaxweyne C/laahi Yusuf oo ah in la
qafiifiyo xayiraada xagga hubka ee Somaliya si loogu ogolaado ciidamo nabad
ilaalineed oo ka socda gobolka in ay soo galaan Soamliya.
Golaha waxa uu ka digay xiligaasi in talaabo ceenkaan oo kale ah ay sii
hurin karto ififaalo dagaal oo iminka ka muuqda qeybo ka mid ah Somaliya
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|