|
Qanyare oo
Eedeyn usoo jeediyey wadamada Italy, Yemen iyo Ethiopia
Maxamed
Qanyare Afrax wasiirka amniga qaranka ayaa eedeeyn ba’an usoo jeediyey
dawladaha Yaman ,Italy iyo Ethiopia oo ku tilmaamay in ay yihiin kuwa ka
shaqeynaya hurinta dagaalo cusub oo ka aloosma gudaha Somalia .Qanyare ayaa
sheegay in dawladahan ay la safteen garabyada dawlada mid ka mid ah ayagoo
siinaya lacago iyo hub.
Wasiirku waxa uu
sheegay in dawlada talyaanigu ay deeq fara badan oo lacag siisay garabka
dawlada ee Jowhar ku sugan ,asagoo dawladaha Ethipia iyo Yamanna sheegay in
ay hub fara badan soo siiyeen xubnaha sar sare ee dawlada si ay u abuuraan
dagaalo hor leh.
Qanyare ayaa ugu
baaqay dadka ku dhaqan gobolka Banaadir in ay isugu soo baxaan dibad baxyo
lagu muujinayo xadgudubka dawladahaasi..
Wasiirka amniga
qaranka ayaa ku baaqay in la qaado isbaarooyinka yaalla gudaha magaalada
Muqdsho ,wuxuuna ka codsaday saxaafada in ay iftiimiyaan dhamaan dadka ay
isbaaradu utaallo “saaka waxaan dhageysanayey mid ka mid ah idaacadaha
magalada Muqdsho oo sheegeysa maleeshiyooyinka ku heyb ah wasiirka amaanka
ayey isbaaro u taallaa,maa la sheego isbaarooyinka u yaalla Geedi iyo ku
xigeenkiisa Xuseen Caydii” ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax.
Maxamed
Cumar Sheekh(Maxamed Cadde
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|