Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

    Maxamed Qanyare oo dhaleeceen u jeediyey C/laahi Yuusuf Axmed.

 
wasiirrka amaanka qaranka dawlada federaalka kumeel gaar ka ah ee Somaliya maxame Qanyre afrax oo u waramayay barnaamijka Networka Africa ee BBC-da ka baxa ayaa sheegay in degitaanka madaxweynaha ee magaalada Jowhar uu yahay mid aan wax sharci ah ku dhisnayn khilaafsanna wixii ay kusoo gaareen wadanka kenya.
 
wasiirku waxa uu sheegay in degitaanka Jowhar uu yahay mid khilaafaya wixii ay ku gaareen Kenya oo cahdi qarameed ah wuxuuna sheegay dastuurkii ay wada dhigteen goob joogayaalna ay ka ahaayeen wakiilada urur goboleedka Igad uu khilaafayo wuxuu madaxweynaha ku dhaqaaqay.
 
maxamed qanyare ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha ee ah in Muqdisho ay tahay meel qatar ah uu yahay mid wax kama jiraan ah ,asagoo taasina ku sheegay in muhumada ugu weyn madaxweynaha iyo ra'isulwasaarahuba ay tahay nabadeynta magaalada Muqdisho.
 
wasiirku waxa uu sheegay in nabadeynta Muqdisho looga fadhiyo madaxda sar sare ee dawlada asagoo u jeeda madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha .
 
hadalka Qanyare ayaa yimid ka dib imaanshihii maalintii shalay uu yimid madaxweyanah dawlada Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed magalaada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
 
hadalka Qanyare ayaa muujinaya in wali khilaafkii ka dhexeeyay xubnaha labada gole uu meeshiisii taaganyahay oo aan la xalin.
 
Maxamed Cadde
Rochester Somali Tv  Muqdisho