|
Maxmed Qanyare Oo Eedeyey Dowlada Yeman
Wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyre oo maanta warbixin siinayey
xubnaha baarlamaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fashil
uu ku yimid wadahadaladii beesha caalamka ay ku dhexdhexaadinayeen xubnaha
golayaasha dowladda ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho.Wasiirka amniga
Qaranka Maxamed Qanyare ayaa sheegay in fashilkaas ay ka dambeeyaan
madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra段sul wasaare Geeddi
Sida ay sheegeen xubna ka tirsan labada gole hadalkan ayuu wasiirka
ammaanka Qaranka Maxamed Qanyare ka sheegay maanta kulankii ay isugu
yimaadeen xubnaha labada gole isagoo warbaxin ka siinayey safarkii uu
dhawaan ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maxamed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in kulankii la rabay in la isugu
keeno isaga iyo Ra段sul wasaaraha inuu ku gacan seyray Cali Maxamed Geeddi
kulankaas oo ay soo qabanqaabiyeen danjiraha Britain u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya Devid Bell iyo wasiirka iskaashiga gobolka ee dowladda Kenya.
Wasiirka ammaanka Qaranka Maxamed Qanyare waxa uu ku eedeeyey Ra段sal
wasaare Cali Maxamed Geeddi in labada kulan oo aheyd in la isku arko uu ka
baaqday.
Sidoo kale Maxamed Qanyare Afrax ayaa intaas ku daray in beesha caalamka
uu dhaqaale u diiday dowladda fedraalka kala qeybsanaanta awgeed.
Maxamed Qanyare Afrax oo ka hadlayey ciidamadii dhawaan soo gaaray
magaalada jowhar ayaa sheegay in ciidamada dhawaan lagu xareeyey xerada
Konga ay dowladda Yaman bixineyso dhaqaalaha ku baxaya sida gaddiidka
dagaalka, shidaalka iyo hubka intaba.
Wasiirka amniga Maxamed Qanyrae waxa uu caddeeyey in dowladda Yaman ay
faragalin ku heyso arrimaha Soomaaliya isagoo sheegay in hore ay hub u soo
siisay garabka magaalada Jowhar ku sugan.
Ka sokow warbixinta wasiirka amniga Maxamed Qanyare uu siiyey xubnaha
baarlamaanka ayaa waxaa sidoo kale fadhigii maanta warbaxin lagaga
dhageystay guddoomiyaha guddiga maamul u sameynta gobolka Banaadir Xaaji
Muuse Suudi oo soo gudbiyey warbixin ku saabsaneyd waxyaabihii u qabsaoomay
guddiyada uu madaxda u yahay iyo waxa u harsan.
Wasiiru dowlaha xafiiska Ra段sul wasaaraha C/qaadir Xaaji Maxamuud
Dhaqane ayaa markii uu kulankooda soo dhamaaday kaddib faahfaahin ka siiyey
Saxaafadda waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta.
Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayey guddoonka KMG ah xildhibaan Cumar
Xaashi Aadan ayaa waxaa ka soo qeybgalin Ra段sul wasaare ku xigeenka ahna
wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid.
MuxudiinCali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|