Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Qanyare oo sheegay xargiga Cabdi Qaybdiid in uu dhaawacaayo Qaranimada Somaliya

Wasiirka amniga qaranka dowladda FS oo ka mid ahaa xubnihii labada gole ee ka qeybgalay maanta banaanbax balaaran oo ka dhacay fahaaraha tarabuunka laguna muujinayay sida ay uga xunyihiin shacabka Soomaaliyeed xariga cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxa uu sheegay in xarigaasi socon doono isagoo ku tilmaamay madaxweynaha dowladda FS marka uu tago wadanka dibadiisa in isagana la xirir doono

Wasiirka amniga Maxamad Qanyare Afrax oo ka hadlay banaanbixii maanta ayaa sheegay in xariga loo geystay Taliyaha ciidanka booliiska soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye uu yahay mid laga xumaado isla markaasina uu ka danbeeyay madaxweyanaha soomaaliya, waxaa uu tilmaamay Qanyare inuu marwalba madaxweynuhu ku shaqeeyo Aarsi iyo Aanno Qabiil, weligiina ay caado u aheyd ayuu tilmaamay, waxaana uu sidoo kale sheegay in dowladda Sweden aysan xaq u laheyn xariga ay u geystay Cabdi Qeybdiid oo uu sheegay inuu ahaa wadani daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.

Qanyare ayaa waxaa uu sidoo kale tibaaxay inaan loo dulqaadan doonin hanaanka musuq maasuqa ah ee ka socda magaalada Jowhar waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu sheegay inaan laga hari doonin meelmarinta sharciga oo uu sheegay inay reer jowhar ku xadgudbeen

Wasiirka amniga qaranka dowladda FS Max;ed Qanyare Afrax oo khudbad ka jeediyay banaanbax balaaran oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha labada gole ee muqdisho, siyaasiyiin, aqoonyahano, maamulka gobolka Banadir iyo shacbi aad u fara badan ayaa sheegay xariga Cabdi qeybdiid in uu yahay mid dhaawacaya qaranimada iyo madax banaanida umadda Soomaaliyeed ay leedahay

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya