Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

               

        Howlo indhafiiqis oo ka bilowday isbitaalka Carafat ee Muqdisho.

 Illaa 400 oo qof ayaa maanta waxa uu howlo indhaha loo fiiqayo uga bilowday isbitalka Carafat ee magaalada muqdisho.Howlahan indhafiiqista ah ayaa waxa fulinaya dhaqaatiir ajanabi oo ka socda Kikuya Hospital ee wadanka Kenya.

 Dadka ka faa'ideysanaya howlahan indhaha lagu fiiqayo ayaa waxa ay ka kala yimaadeen qaar ka tirsan gobolada dalka haba u badnaadaane dad ku dhaqan gobolka Banadir. Dadkan maanta loo bilaabay howshan indha fiiqista ah ayaa waxaa laga qaadayaa qarash gaaraya illaa 250 kun oo shilin .

 Qiimahan ayaa u muuqda mid ka jaban qiimihii hore loo qorsheeyey oo ahaa on qofkii indhaha loo fiiqaba laga qaado lacag gaareysa 600 kun una dhiganta 40$ oo lacagta amerikanka ah .Maamulaha cusbitalka Carafat ayaa warfidiyeenada u sheegay in howlgalkan uu socon doono muddo 3 maalin ah.

 Howgalkan maanta ay ka bilaabeen Dhaqaatirtan ka socota cusbitalka Cusbitalka Carafat  ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee ay fuliyaan ayadoo howlgalkan kii ka horeeyey ay ka fuliyeen magaalada Kismayo cusbital ku yaalla halkaaso inka badan 300 oo qof ay indha ugu fiiqeen.

 


 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester  Somali Tv  Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com