Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Qaliin indha Fiiqis ah ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo. Qaliinkaan indha fiiqiska ayaa waxa lagu sameeyay dad gaaraya Saddex Boqol Iyo Soddon Shan “335” ruux oo ka jirnaa dhinaca indhaha, ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Dhexe .

Dadkaan ayaa waxaa isbitaalka Kismaayo lagu diiwaan galinayay muddo “6” isbuuc ah, waxaana isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo loogu sameeyay qaliinkooda.

Dhamaan howlaha isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa waxa qabsaday dadkaan lagu sameynayay qaliinka, isla markaasna dardar iyo howl karnimo samir iyo dulqaad leh ayay dhaqaatiirtu qaliinka sameyneyse muujiyeen, waloow dadka ay aad u fara badnaayeen waqtiga ay haystaan dhaqaatiirkuna ay yareyd, howshaana waxa ay ku qabteen muddo 3 maalmood gudahood.

Waxaana xusid mudan in maamulka gobalka ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen howshaan aadka u baaxada weyn ee laga wado gudaha Kismaayo.

Dhaqaatiirta sameyneyse qaliinka ayaa waxa ay ka socdeen Isbitaalka Kukuyo Hospital ee magaalada Nairobi, ma ahan markii ugu horeyse oo ay soo gaaraan gudaha soomaaliya iyadoo marar fara badana qaliimo sidaan oo kale ku sameeyeen bukaano soomaaliyeed.

Dadkaan qaliinka oo aad u fara badnaa ayaa qaarkood waxa ay dhaqaatiirtu u qoreen daawooyin ay isticmaalaan, halka qaarkoodna qaliin lagu sameeyay.

Dadka ayaa ahaay kuwo da’a  aan loo fiirin baahidooda caafimaad meelo kala duwana waa ka kala imaadeen haba ugu badnaato caasimada somaaliya ee muqdisho  ilaa iyo sool sanaag togdheer iwm, lamana garanayo in markale gar gaar bini aadminimo sidaan oo kale ugu tabaruci doonaan dhaqaatiirkaan ka socota Kukuyo Hospital.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali TV