|
Qalalaasihii maanta ka dhacay xubnaha labada gole muqdisho shirkii ay ku
lahaayeen hotel saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa loogu hanjabay wariyeyaal
ka howl gala idacadaha iyo wabsite yada.
Maxamed Aadan Maxamed oo ka mida suxufiyiinta ka howl gala magaalada
Muqdisho ayaa ka mid ahaa wariya yashii maanta ay qaar ka mida xildhibaanada
ay ugu hanjabeen in ay dhibaato la kulmayaan hadii aysan isga tagain shirka
xubnaha labada gole ay ku lahaayeen hotel saxafi ee magaalada Muqdisho
Suxufiga Max’ed Aadan Max’ed oo u waramay rstv ayaa waxa uu sheegay in
hanjabaada loo gaystay aysan ku ekeyn isga balse ay tahay wax yeelo loo
gaystay suxufiyiin kale.
Ma ahan markii ugu haoreeysay ee hanjabaad ay kala kulmaan suxufiyiinta
xubnaha labada gole ee dowladda FS ee ku kala suwan Muqdisho Jowhar, taasoo
inta badan suxufiga uu kala kulmo in xuriyadiisa laga qaado ama la baqdin
galiyo si uu uga hadliwaayo xaqiiqada dhabta ah ee jirta
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|