Qadkii
isgaarsiinta ee gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo G/gaduud oo hawada ka baxay
Sida ay
sheegayaan Mas`uuliyiinta shirkadaha Telcom, Hormuud, iyo Nationlinka
waxaa manta abaarihii 12:00 duhurnimo hawada laga waayay dhamaan
isgaarsiintoodii sabab ay ku sheegeen inaanay la soconin sababta ay hawada
uga baxeen.
Saraakiishan
ayaa sheegay inaysan jirin wax cilad ah oo abuuray inay hawada isaga
baxaan, hase ahaatee wararka laga helayo gobolka sh/dhexe ayaa sheegaya in
maamulka degmada jowhar uu manta u qeybiyay shirikaadka qoraal amar ah oo
muujinaya in shirkadaha isgaarsiinta ee halkaasi inay demiyaan dhamaan
adeegooda isgaarsiineed sababo uusan maamulku shaacin, iyadoo arintani ay
sidoo kale saameysay gobolada hiiraan iyo G/gaduud ee bartamaha soomaaliya.
Wararka laga
helayo deegaanadaasi ayaa tibaaxaya inay jiraan howlgalo lagu sheegay
qarsoodi oo ay dowladda Ethiopia ka fulineyso goboladaas, iyadoo sidoo
kalana lagu waramayo inay jiraan ciidamo iyo gaadiidka dagaalka oo aan la
garaneyn tiradooda oo ku Soo wajahan magaalada jowhar ee gobolka sh/dhexe,
halkaasoo uu ku sugan yahay madaxweyanaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad.
Si kastaba ha
ahaatee dadka qaar ayaa sheegaya in howlgalada ay dowladda Ethiopia ka
fuliso gudaha soomaaliya in lagu yaqaano inay xirto dhamaan edeegyada
isgaarsiinta, waxaana jira walaac xooggan oo soo foodsaaray xiriiradii
kala duwanaa ee u dhaxeeyay dadka ku kala nool goboladan iyo magaalada
muqdisho.
Muxyaddiin
cali jimcaale jakuula
Muqdisho-Somalia