Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Qaar ka mid ah xildhibaanada Muqdisho ku sugan ayaa walaac ka muujiyeen maamulo loo sameynayo gobolada dalka qaarkood.

 Qaar ka mid ah xildhibaanada dowlada KMG ayaa waxa ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah wasiirada dowlada oo howlo maamul ugu sameynayaan gobolada dalka qaarkood ay wadaan.Wasiiradaan la eedeeyay ayaa waxa ay maamul u sameynayaan gobolada dalka qaarkood sida Hiiraan, Jubooyinka iyo gobole kale oo fara badan.

 Xildhibaanadaan Muqdisho ku sugan ayaa eedeyn u soo jeediyey xubna isugu jira xildhibaano iyo wasiiro oo iyaga howla maamul u sameyn ah ka wada gobolka J/dhaxe gaar ahaan degmada Bu’aale iyo deegaanada ku teedsan oo ay sheegeen in xubnahaas ay ka wadaan qorshe maamul oo ay ugu sameeynayaan kaasoo ay qeexeen inuu yahay mid qabyo ah oo aan loo dhameyn islamarkaana qas iyo qalaanqal ku keeni kara bulshada halkaas degan.

 Xildhibaanadaan eedeynta jeediyay ayaa sheegeen in xubnahaas ay howlihii ay halkaas ka qaban lahaayeen sharuud looga dhigay in marka hore ay keenaan xubnaha kale ee xildhibaanada ee iyaga deegaanka u dhashay ee ku sugan magaalada Muqdisho si howlaha maamul u sameynta gobolka J/dhaxe ay u noqoto mid dhameystiran.

 Haddaba arimahaan is dhaleeceen waayadaan u dhaxeysa dowlada ayaa waxaa walaac aad u daran ka muujiyeen shacab weynaha soomaaliyeed meel walba oo ay adduunka ku kala firarsan yihiin.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali Tv
Mogadishu - Somalia


E-mail:
abdifitahaam@hotmail.com