|
Maleeshiyooyinka Puntland ee ku sugan Jowhar oo sheegay in xerada Congo ay
qabuuro isku badali doonto.
Khilaafka soo kala dhex galay maleeshiyooyinka Daacada u ah Madaxweyne C/laahi
Yuusuf iyo Kuwa Max’ed Dheere oo ku wada sugan magaalada Jowhar ayaa sii
xoogeystay ka dib markii ay adkaatay in xal laga gaaro xiisadii uu ku
dhintey mid ka mid ah maleeshiyooyinka Puntland.
Taliyaha maleeshiyooyinka Col. C/laahi Yuusuf ee xerada Congo oo la
yiraahdo Saciid Dheere ayaa laga soo xigtey in uu mudo 3 cesho ah u qabtey
gacan loo soo galiyo ragii ka dambeeyay dil iyo dhaawac lagula kacay
maleshiyooyinka Puntland ee ku sugan xerada Congo, isagoo sheegay hadii aan
taas la yeelin in ay dhici karto dhibaato ay iyaguna geeystaan ama dagaal
dhex mara maleeshiyooyinka Max’ed Dheere iyo kuwa Puntland ee ku wada sugan
Jowhar.
Arintaan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii lacago diyo ah loo
geeyay maleeshiyooyinka Puntland ay ku gacan seyreen oo ay sheegeen in ay
doonayaan in loo soo gacan galiyo ragii falkaasi geystay.
Tababarayaal Ethiopian ah oo ku sugan Xerada Congo ayaa iyagu cabsi ka
muujiyay dhibaato ka soo gaarta isku dhac dhex mara labada maleeshiyo,
iyadoo la sheegay in ay doonayaan in dib loogu celiyo dalkooda.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed
Dheere uu wax ka qabanwaayay arimahaasi, iyadoo lagu wado in uu soo
faragaliyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho
Jakuula@hotmail.com
|