|
Ra'iisal wasaare Geedi oo ku soo laabtey Jowhar
Ra'isulwasaaraha dowladda FS Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu
hogaaminayo oo ka soo kictamay magaalada Nairobi ee caasmada dalka kiinya
ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar.
Wafdiga uu hogaaminayo Ra'isulwasaaraha ayaa soo degey 10 barqo nimo
isagoo safaro ku soo kala bixiyay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay
wadanka Talyaniga ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka
diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, iyadoo soo
dhaweyntiisa ay ka qeyb qaateen xubnaha labada gole ee ku sugan Jowhar iyo
gudoomiyaha gudiga siyaasada gobolka shabeelda dhexe maxamed cumar xabeeb
maxamed dheere
Intii wafdiga Ra'isulwasaaraha ay joogeen magaalada Nairobi ayaa waxaa
jirey dadaalo ay sameeyeen beesha caalamka oo lagu doonayay in lagu wada
hadal siiyo Ra'isulwasaare Geedi iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo xiligaasi ku suganaa Nairobi hasayeeshee kulankaasi uu
fashilmay ka dib markii labada mas'uul mid ka mid ah goobta uu soo xaadiri
waayay.
Waxaa jirtey in Geedi iyo SHariif Xasan intii ay Nairobi ku sugnaayeen uu
ku wehliyay madaxweyne C/laahi Yuusuf oo uga sii gudbay Nairobi wadanka
boqortooyada Sacuudiga mana jirin wax kulan ah oo dhex maray 3 daasi mas'uul.
Waxaa la sheegay xiriiro hoose oo dhexmaray Ra'isulwasaare Geedi, Cismaan
Caato iyo Maxamed Qanayer mana la xaqiijin waxyaabihii ay ka wada hadleen
ayana herba ka bilaabeen qilaafkii u dhaxeeyey
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya |