|
Jeneral Cali Madoobe oo ku howlan sidii laysugu keeni lahaa Ciidanka
Booliska Somaliya,
Taliyaha Booliska Soomaaliya Cali Maxamed Xasan looyaan oo loo yaqaan
Cali Madoobe ayaa waxa uu sheegay inuu ku howlan yahay isku keenida Booliska
Soomliyeed ee ku kala firdhaday dagaaladii Sokeeye ee dalka ka qarxay .
Jen. Cali Madoobe oo la sheegay inaan ku wanaagsaneyn ku hadalka Afka
carabiga ayaa u sheegay Wargeyska Alahraam inay kala tageen Booliskii oo ay
u kala firdhadeen Gobolada kala gedisan ee Soomaaliya intii lagu guda jiray
sanadihii 14-ka ahaa ee ugu dambeeyay.
Waxa uu sheegay in Tiro ka mid ah saraakiil Boolis ah uu tababar ugu
diray dalka Uganda si loogu tababaro inay noqdaan tababarayaal , waxa uuna
sheegay inuu qabtay kulan lagaga hadlayay qaabka loo dhisi karo Boolis Cusub
iyadoo laga faa’ideysanayo qorshaha Cusub ee 5 –ta sano ee laga fulinayo
Guud ahaan Soomaaliya laga soo bilaabo Hargeysa ilaa iyo Magaalada Kismaayo
ee konfurta Soomaaliya .
Cali Madoobe waxa uu sheegay in laga furi doono Magaalada Boosaaso ee
waqooyi Bari Soomaaliya Akeedimiyadda Booliska bisha December ee fooda nagu
soo heysa , iyadoo arintaasina ay gacan ka geysaneyso Hey’adda UNDP ,
waxaana suuragal ah ayuu yiri in Masar ay ka qeybqaadato howlaha Tababarada
.
Sarkaalkan waxa uu sheegay in Booliska aaney shaqeyn Karin iyadoo aan loo
heli mushaarooyin ay ku noolaadaan , waxa uuna qiray in khilaafka ka dhex
oogan dowladda FS uu sababay inuu hakad galo kaalmooyin badan oo Booliska uu
soo gaari lahaa , waxa uuna sheegay sida uu qabo in Mucaarad uu jiri karo si
dibiici ah balse aanu waajib aheyn inuu hakad galo kaalmooyinka , waxa uuna
xusay in Siyaasaddii Siyaad Barre oo taageero ka heysatay dalalkii
Soofiyeetiga , Carabta iyo Mareykanka intii uu socday dagaalkii qaboobaa ay
la burburtay dowladiisa fikir beeleed.
Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay in dib u heshiisiinta
aaney noqoneyn mid waxtar leh ilaa iyo inta Booliska uu xal uga helayo
amaanka , waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay noqotay goob laga dhoofiyo
waxyaabaha Mukhaadaraatka oo loo safriyo dhinaca Khaliijka Carbeed iyo dalal
kale , waxa uuna tilmaamay inay jiraan garoomo badan oo diyaaradeed oo aanu
qofna ogeyn waxa laga dhoofiyo iyo wax ka soo dega , waxa uuna sheegay in
Muqdisho oo kaliya ay ku yaalaan 8 garoomo diyaaradeed oo saacad kasta ay
diyaarad ku soo degto .
Jen. Cali Madoobe waxa uu sheegay in dambiyada ugu weyn xilligan uu yahay
Soomaalida loo tahriibinayo Yurub ama Yemen , iyadoo sanad kasta kumanaan
ruux ay ku geeriyoodaan badaha iyagoo ku socda doomo dhamaad ah , waxa uuna
sheegay in Burcad badeed badan oo Soomaali ah ay isku fidiyeen xeebaha dheer
ee Soomaaliya oo looga talaabo dalal badan oo Afrikaan ah .
Waxa uuna cadeeyay in waxyaabo haraaga sunta Nukliyeerka oo booyado aan
la garaneyn ku jira in lagu soo tuuro Xeebaha Soomaaliya , waxa uuna sheegay
in dalka la keeno dawo iyo cuno waqtigeedu iyo waxtarkeedu uu dhamaaday ,
waxa uu sheegay in arintaasi uu sababay inay dhashaan caruur muuqaalkooda
badalan yahay , waxa uuna sheegay in dil joogta ah maalin kasta loogu geysto
Muqdisho Saraakiil Booliska ka tirsan , Shaqsiyaad Madax ah iyo dad caan ka
ah Soomaaliya .
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|