Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda FS Cumar Filish ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere ee Maamulka Gobolka Sh/dhexe

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda FS Cumar Filish ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere ee Maamulka Gobolka Sh/dhexe ee ahaa in dib u heshiisiinta dowladda lagu dhameystiro hal waji Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.

Cumar Max’ed Maxamuud (Cumar Finish) ayaa sheegay in hadalka Max’ed Dheere uu yahay mid si weyn isugu soo dhaweynaya xubnaha Dowladda, si ay Dowladdu ugu wada shaqeyso hab ay ummaddu ka raali ka tahay.

Cumar Filish oo ka mid ah Hogaamiye kooxeedyada ku hubeysan Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu isaga si gaar ah u soo dhoweynayo heshiis ay gaaraan dhinacada dowladda ee khilaafka uu ua dhaxeeyo.

Arintan ayaa waxay soo baxday maalin ka dib markii Max’ed Dheere uu sheegay n la gaaray waqtigii la isku tanaasuli lahaa shacabkuna ay heli lahaayeen dowlad si wada jir ah u wada haqeysa.



Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya