Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle oo ugu baaqay xubnaha dawlada kaga jira in deegaanada ay matalaan ay yimaadaan

 Odayaasha dhaqanka  beelaha  Digil iyo Mirifle ayaa ugu baaqay xubnaha wasiirada iyo xillibaanada beesha ugu jira dawlada in ay ku soo laabtaan meelaha ay degenyihiin dadka ay matalaan si ay fikir guud uga siiyaan siyaasada dawlada  Baaqa odayaal dhaqameedyadan  ayaa yimid  markii  xubno badan oo ka mid ah xubnaha dowladdu ay  bilaabeen in ay dib ugu laabtaan meelihii  ay ka soo jeedeen si ay u geeyaan  siyaasadda dowladda.

.deegaanada xubnaha dawladu ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah gobolada Jubooyinka ,Hiiraan ,Gedi ,Puntland iyo kuwo kale..lamana oga in arintan ay suuro gal noqon karto iyo inkale ayadoo iminka ay dawladu u kal qeybsantahay labo garab .

Magaalada baydhabo iminka waxaa gacanta ku haya xillibaan Maxamed Ibrahim Xaabsade oo sida wararku sheegayaan aan ku fikir aheyn madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed kana soo horjeeda in dawladu ay xarun ka dhigato magaalada Baydhabo ,halka wasiiro dhowr ah oo kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ay taageersan yihiin mowqifka madaxweynaha ,halkaasina ay  ka dhaceen dagaalo  faraha looga gubtay oo dhinac waliba uu ku doonayey  inuu gacanta ku dhigo magaalada Baydhabo.

 Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv   Muqdisho