Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Nin Somaali ah oo Bam isku soo xiray oo ay qabteen Booliiska dalka Ciraaq

Booliska Ciraaq ayaa waxa ay sheegeen in la soo gacan geliyay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa kooxaha argagaxisada Ciraaq oo isa soo miidaamiyay oo doonayay inuu isku qarxiyo shalay gelinkii dambe magaalada Bagdaad ee caasimadda Ciraaq.

Wariyaasha ku sugan dalka Ciraaq ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayeen 65 ruux oo la istaajiyay , waxaana la tilmaamay in ay ku labisnaayeen dadkaasi dhar wasaqeysan , warkani oo maanta uu shaaciyay wargeyska Alqudus Al-Carabi ee ka soo baxa dalka Britain ayaa lagu sheegay in weerarka dhicisoobay ee is qarxinta ee uu damacsanaa ninka Soomaaliga ah uu ka qeyb ahaa 15 weerar oo qaraxyo ah oo qaarkood ay is hortaageen ciidamada Ciraaq iyo kuwa Mareykanka oo shalay lala doonayay in lagu ruxo magaalada Caasimadda ah ee Bagdaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ciraaq ayaa waxa ay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in xoogaga gaarka u tababaran ee ka midka ah Hogaanka guud ee Ciidamada Isbaheysiga inay dileen sadax nin oo hubeysan oo argagaxiso ah ,iyadoo ay ka soo xireen deegaan ka tirsan Magaalada Bagdaad 20 ruux oo kale oo uu ku jiro nin isa soo miidaamiyay oo Soomaali ah .

Ninkani Soomaaliga ah ayaa waxaa la shaaciyay inuu kaxeynayay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa nooca Marceds oo uu ku wehliyay weerarkiisa fashilmay gaari kale oo ay ku rakibnaayeen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Isbaheysiga qalab sawir ka qaadaya qaabka uu ku dhacayo howlgalka is qarxin ee ninka Soomaaliga uu damacsanaa , waxaana gaariga qalabka wax sawira ku xirnaa kaxeynayay nin aan la shaacin dhalashadiisa oo ka tirsanaa kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Ciraaq.

Ninka Soomaaliga ah ee naftii huraha ah oo aan la shaacin magaciisa ayaa isaga iyo gaariga uu kaxeynayay oo laga dhex helay waxyaabaha qarxa waxaa lagu qabtay inta aanu dhicin weerarka qarax Deegaanka Gazaaliya ee Galbeedka Magaalada Bagdaad.

Arintani ayaa ah markii ugu horeysay oo dalka Ciraaq laga sheego nin Soomaali ah oo is qarxinaya tan iyo inta la ogsoon yahay .

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya