| Nin
lagu Qisaasay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
Nin lagu eedeynayo in uu ka dambeeyay dilka Nin Ganacsade ah oo lagu
qaarjiyay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta duhurii lagu
qisaasay magaaladaasi.
Abaarihii 1 dii duhurnimo ee maanta ayaa waxaa magaalada Baardheere lagu
qisaasay faarax Max'ed Mahdi oo ku magac Dheer Xabiib, Da'diisuna ay aheyd
26 jir isla markaana qirtey in uu gacantiisa ku dilay Ganacsade Cabdi Axmed
Nuur Cabdi Yare oo habeenimadii talaadada lagu dilay Gudaha magaalada
Baardheere.
Qisaastaas oo ka dhacday meel 4km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada
Baardheere ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay nin kaan la qisaasay laga
soo qabtay Tuulada Ceel-cilaan oo ka tirsan degmada Baardheere, isla
markaana eheladii labada dhinac ay ku heshiiyeen in xaaladda lagu dhameeyo
hab qisaas ah,taasi oo ugu dambeyntii sababtay in beesha uu ka soo jeedo
ninka la qisaasay in lagu wareejiyay Faarax Max'ed Cariif Dabadeedna maanta
mee fagaaro ah lagu toogtay.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Mmuqdisho Ssomaliya
|