Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Nin ganacsade aha ayaa lagu soo waramayaa in xalay koox maleeshiyaad ahi ay ku dileen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdi Axmed Nuur oo saldhigiisu yahay degaanka Gariley mudooyinikaana holwo hganacsi u joogay degmada Baardheere ayaa xalay kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen.

Dilkaan ayaa dhacay abaarihii 8 dii fiidnimo ee xalay Xilli ganacsadahan geeriyooday uu ka soo baxay Guri uu daganaa magaalada Baardheere oo uu iska lahaa ganacsade kale oo lagu magacaabo C/risaaq X. Xuseen cambe, halkaasi oo albaabka Guriga Hirtiisa ay ku toogteen dableyda, isagoo xiligaasi soo afurey isla markaana ku sii jeeday magaalada.

Ganacsadahaan ayaa mudo saacad ah ka dib u geeriyooday waxyeeladii ka soo gaaray Rasaastii lala beegsaday dabadeed markii loola soo cararay rug caafimaad ah oo gaar loo lahaa, taasi oo ay waxba kaga qaban waaweeyn dhaqaatiirtii la tacaaleysay Dhaawaciisa.

Ilaa iyo iminka lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysay habeenimadii xalay aheyd ka dhacay degmada Baardheere, balse ehelada marxuumkaasi ayaa waxa ay ku tilmaameen dilkaasi in uu ahaa mid bareer ah oo laladamacsanaa in lagu dilo nin kale oo ganacsade ah, hasa ahaatee lama hayo warar rasmi ah oo ku saabsan cidii falkaasi geysatay, inkastoo ay jirto tuhun lala xiriirinayo dilkaasi.

Falkan dilka ah ayaa xalay argagax ku abuuray dadweynaha ku nool degmada Baardheere oo cabsi ka qabay sii socoshada falal dil ah oo la mid ah kii xalay dhacay oo kale.

Inkastoo saakay ay dagan tahay magaalada Baardheere ma jiraan cid loo qabtey falkaasi, waxaana jira dadaalo ay wadaan qaar ka mid ah waxgaradka degmada Baardheere oo lagu doonayo i gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay dilkaasi

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya.