Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Nin ganacsade ah oo lagu diley Baraawe

Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa xalay ku dhex toogtay dukaan uu ku lahaa Degmada Baraawe nin ganacsade ah, iyadoo hantidii dukaanka tiilay ay la wareegeen kooxahaasi Maleeshiyaatka ah .

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa u xaqiijiyay Rochester Somali Tv falkan oo dhacay xalay saacadu marka ay aheyd 7-da fiidnimo , kooox hubeysan oo aan la garaneyn ay ku soo weerareen marxuumka geeriyooday rug uu ku ganacsan jiray oo ku taala xaafadda Bagdaad ee Degmada Baraawe , iyadoo isla markaana halkaasi ay ku dileen maleeshiyadaasi ganacsadaha , waxa ayna la wareegeen hantidii uu lahaa ee dukaanka u tiilay.

Marxuumkan ayaa lagu magacaabi Jiray C/qaadir Baanawaare oo lagu sheegay da’diisa 20 jir , kana shaqeysan jiray dukaan lagu iibiyo cuntooyinka daruuriga ee qoyska .

Falkan dilka ah ayaa maamulka Degmada Baraawe aanu weli war ka soo saarin ,inkastoo falal dil ah ay horey uga dhaceen degmadaasi ,

Dilka noocan ah ayaanu aheyn markii ugu horeysay ee uu ka dhaco Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose tan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Degmadaasi.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya