|
Nin af duub loo hays tay in ka badan laba Bilood oo maanta la Dilay
Koox dabley ah oo hubeysan ayaa dilay Ciise Macalin Cabdulle oo ahaa
Ganacsade ka shaqeeya qeybta Daawada ee suuqa Bakaaraha ee Muqdisho kadib
markii ay waayeen adduun madax furasho ah oo ay weydiisteen reerkii uu ka
dhashay.
Raggan ayaa heystay ku dhowaad illaa 70 maalmood, waxaana ay ninkan ka
soo qabteen xilli uu u socday gurigiisa oo ku yaala agagaarka Fagax ee
degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho xilligaasoo wararku tilmaameen inuu
safar u ahaa Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland.
Reerka uu ka dhashay Ciise ayaa RSTV u sheegay inaysan awoodin lacagta ay
raggaasi weydiisteen, waxayna xalay inoo sheegeen bey yiraahdeen, haddii aan
lacagta la keenin in maalinka beri ah ay ku arki karaan meydka marxuumka
Afaafka hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee duleedka magaalada
Muqdisho,waxayna qoysku intaa ku dareen inay saaka subaxnimadii la kulmeen
meydkiisi oo yaala goobtii ay xalay ku dhawaaqeen Burcaddu, iyagoo sheegay
inay Xarig ku xireen dabadeedna ay madaxa xabad kaga dhufteen.
Falalka arxan daridda ah ee ay ku dhaqaaqaan Burcadda wax af duubata ayaa
naxdin iyo walaac xooggan ku abuura shacabka, waxaana ay falkan lagu
tilmaamay kii ugu xumaa ee soo mara maalmahan magaalada Muqdisho.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|