Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dr. Klaus Reinhardt oo sheegay in lagu fashilmay howlgalkii Somaliya,

Dr. Klaus Reinhardt oo ah Jeneraal howlgab ah kana mid ahaa ciidamadii Jermalka ee ka qeybqaatay howlgalo nabad ilaalineed oo Q.M ay ka fulisay meelo kala duwan oo Caalamka ka mid ah ayaa waxa uu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee ka howlgalay Soomaaliya ay ku fashilmeen , waxa uuna xusay in markii uu tagay Muqdisho xilligii ugu horeysay uu ka arkay mid ka mid ah dhismayaasha dushooda diyaarad helecopter ah iyo Taangiyo wadooyinka taxan.

Waxa uu sheegay in arinta ay ula muuqatay jawi dagaal , isagoo ku nuux nuuxsaday inaanu aqoon u laheyn waxa Soomaaliya waqtigaasi ka soconayay .

Jen. Klaus Reinhardt ayaa waxa uu xaqiijiyay in xilligaasi uu warqad degdeg ah u diray Folker Roohi oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xukuumadii uu hogaaminayay R/wasaare Helmot Kool , isagoo kaga digay halista soo food saari karta Guutada Milatari ee Jermalka hadii lagu guul dareysto howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya .

Reinhardt oo warkiisa ay daabacday wargeyska Alraaya ee ka soo baxa dalka Qatar ayaa waxa uu sheegay in jawaabtii uu helay ay aheyd mid isaga lagu boorinayay inaanu argagaxin oo uu dhegaha ka fureysto waxa dhacaya ,kana talaabo fikirka , waxaan dareemay ayuu yiri in nolosheena ay halis ugu jirto Gudaha Soomaaliya .

Jen. Klaus Reinhardt oo 64 jir ah ayaa cishooyinka nagu soo aadan noqonaya Lataliyaha dhinaca Milatariga Mss. Angela Marcel oo ah R/wasaaraha Cusub ee Jarmalka , waxa uu sheegay in nasiib wanaag ay u arkeen markii Ciidamada mareykanka ay go’aansadeen ka bixitaanka Soomaaliya ,iyana ay noqdaan kuwa isaga soo baxay Deegaanadii ay ka joogeen Soomaaliya .

Sarkaalkani reer Jarmal ayaa nasiib xumo ku sheegay in Soomaaliya looga tago meel cidlo ah xilli fowdo iyo dagaalo sokeeye ilaa iyo iminka ay lugta kula jirto .

Muxyadiin Cali jiumcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya