Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra段isul Wasaare Cali M. Geeddi oo la filayo inuu Maanta  Muqdisho yimaado

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Max弾d Geeddi ayaa la filayaa in maalinta Berri ah u kicitimo Magaalada Muqdisho.

Safarka Ra段isul Wasaare Geeddi ayaa la sheegay inuu la xiriiro arimo badan oo uu doonayo in magaalada Muqdisho uu uga qabsoomo,iyadoo tan ugu weyn ee imaan shaha Muqdisho ay tahay sidii Xafiiskiisa Cusub ee Magaalada Muqdisho u fariisan lahaa iyo kulan uu doonayo inuu isugu yeero Golaha Wasiirada.

Geeddi ayaa ajandihiisa ugu weyn ay tahay in kulanka Golaha Wasiirada ee uu doonayo inuu Muqdisho isugu yeero uu beesha Caalamka u tuso in wax khilaaf ah ku dhex jirin Xubanha Labada Gole ee iyagu xaga fikirka ah isku maandhaafsan.

Warar aanu ka helnay iloo ku dhow dhow Prof. Geeddi ayaa waxa ay sheegayaan safarkiisa Beri muqdisho uu ku tagi doono ay ku wehlin doonaan qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Prof. Geeddi taasoo ay si wada jir ah ay u wadeen qaban qaabadaas Ra段isul Wasaare K/xigeenka Ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Ceydiidi, Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Cadde iyo xubno kale,Xuseen Ceydiid ayaa isagu hore u sheegay in Ra段isul Wasaare Geeddi lasoo dhoweeyo imaatinkiisa Magaalada Muqdisho.

Ra段isul Wasaare Geeddi ayaan la ogeyn in safarkiisa Muqdisho ku tagayo ay noqoneyso mid Diyaarada uu ugu kcitimayo iyo in safarka dhulka ay tahayba

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakula

jakula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya