|
Hogaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Kongreska Shacabka Suudaan Dr. Xasan
Alturaabi ayaa wax laga xumaado ku sheegay xaaladaha khilaaf ee weli ka dhex
jira dalka Soomaalida.
Dr. xasan Alturaabi waxa uu sheegay in qalalaasaha gudaha iyo
khilaafaatka ka jira Soomaaliya ay sababtay inay gudaha u gasho goobaha
looga hadlo arimaha Caalamiga si loo qota dheereeyo loolankooda , balse waxa
uu tilmaamay in dharbaaxo yar Mareykanka uu kala kulmay Soomaaliya uu u
dulqaadan waayay , Soomaalida ilaa iyo iminka awood uma aaney helin ayuu
yiri Xasan Alturaabi in hagaan naftooda oo ay dhistaan Xukuumad iyo Hogaan.
Mar uu Dr. xasan Alturaabi ka hadlayay arimaha Soomaaliya iyo Ethiopia
ayaa waxa uu sheegay in Ethiopia ay haboon tahay in daris wanaag ay kula
dhaqanto Soomaaliya , balse waxa uu sheegay in hadii ay musuqmaasuqaan
Soomaaliya ay taa sababeyso inuu dhibaateeyo Soomaaliya iyana waxyeelo uu u
geysto .
Hogaamiyahan Mucaaradka ee Suudaan oo booqanaya dalka Eretariya ayaa
sheegay in dabkii qabsada dariskaaga uu ku soo faafayo gurigaaga , samafalka
iyo kheyrka halkaa ka yimaada ayuu sheegay inuu gaarayo , sidaa oo kale ayuu
ku nuux nuuxsaday Dr. Alturaabi in Ethiopia ay dooneyso goob loo maro badda
, uma diideen ayuu yiri in la ii maro dhinaca badda isagoo socdaalaya soona
laabanaya ama ha noqdo mid wax dhoofinaya mise la soo degaya qofkaasi .
Hogaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Kongreska Shacabka Suudaan Dr. Xasan
Alturaabi oo wareysi siiyay wargeyska Asharqalawsat ee ka soo baxa magaalada
London ayaa waxa uu sheegay in Alqaacida ay tahay wax ay mala awaaleen
Mareykanka iyo reer galbeedka , tusaale ayuu yiri hadii aad aado Soomaaliya
ama dal ku yaala Galbeedka Afrika ama Yurub waxa ay kugula hadlayaan
luqadooda iyo wax soo saarka aqoontooda , waxaaba laga yaabaa ayuu yiri in
ay qaateen mowqif toosan oo ku aadan halista cusub ee loogu magac daray
argagaxiso .
muxtadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|