Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mowliid macaani xildhibaanada ku sugan xamar waxay la mid yihiin Maxaabiista ku Jirta Xabsiga Guantanamo Bay

Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta Dowladda Federaalka Kmg ah ee Soomaaliya Mowliid Macaan Max’ud oo ku sugan Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Kmg ah Ee Dowladda ayaa waxa uu sheegay in Siyaasada Muqdisho ay tahay mid ay gacanta ugu jirto afarta Hogaamiye ee Wasiirada hubeysan ah isla markaana hore u ahaa dagaal ogayaasha.

Mowliid Macaan ayaa waxa uu xusay in Xildhibaanada ku sugan Muqdisho ay yihiin kuwo aan lala socodsiin xaalada jirta,isagoo tibaxay in ay yihiin Xildhibaano aan waxba ka ogeyn Dastuurka iyo Nidaamka.

Mowliid Macaan ayaa yiri "raga muqdisho jooga ee diyaarka u ah in ay Dowladda kala diraan waxeyna qiil mar walba uga dhigtaan Muqdisho hala yimado,aniga waxaa leeyahay uma suura galeyso hadafkooda qaldka ah ee ku doonayaan in mar kale iyo Wadan kale dib u heshiisiin loo tago.

Mowliid Macaan Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Barlamaanku uu ku soo heshiiyay in Dowladdu ku hakato Jowhar iyo Baydhabo taasna wan aqbalnay "Raga Muqdisho ku sugan maanta waxa ay sheegayaan waa hal qodob kaasoo ah Dowladda ha timaado Muqdisho wax kaloo mashaakil ah oo ay soo jeediyeena ma jirto.

"aniga waxaa cadeynayaa in Afarta Hogaamiye ee ku sugan Muqdisho in ay yihiin ragii u codeeyay C/llaahi Yuusuf,balse waxaa nasiib daro ah in ay hadana kasoo horjeestaan oo ay mucaaradaan,aniga Mowliid ahaan waxaan sheegayaa in aan u codeeyay C/llaahi Axmed Caddow,waana laga guuleystay,hadana waxaa ku mowqif ahay C/llaahi Yuusuf waxaan ku raacay Dimoqraadiyad.

"Xildhibaanada ku sugan Hotel Saxafi waxey la mid yihiin Maxaabiista ku Jirta Xabsiga Guantanamo Bay"waana rag aan ogeyn Maslaxadooda waxeyna la mid yihiin Maxaabiista ku jirta Xabsiga Guatanama Bay ee ku yaal Jasiirada Cupa,waa dhici kartaa shaqsi neceb C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi laakin ma dhci karto shaqsi wasiir ah oo hadana kasoo horjeeda Dowladda,taas lama arkin aduunyadana kama jirto.

Mowliid Macaan ayaa waxa yiri "Shacabka Soomaaliyeed waxaa maslaxadooda diidan raga muqdisho ku sugan oo doonaya in ay Dowladda kala diraan,shacabka soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in maalin un dareemi doonaan fowdada, raga muqdisho jooga waa sxbdey in muddo ayaan saxibo aheyn laakin saaxibo kuma noqoneyno Qaran Dumis iyo Dowlad Diid ayuu yiri Mowliid Macaan Max'ud

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya