|
Wafdigii ka socday midowga yurub iyo deeq bixiyaasha caalamka ayaa
maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee dayniile.
abaarihii galabnimadii maanta ayaa wafdi ka socda midowga yurub iyo deeq
bixiyaasha caalamiga ah waxa ay kasoo dageen garoonka dayaaradaha ee
degmada dayniile ee magaalada Muqdisho.
wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay nin lagu magacaabo rijad moori waxayna
kulamo kulamo kula yeesheen xarunra wasiirka amniga qaranka maxamed
qanyare afrax guddi xubnaha labada gole ee magalaada muqdisho ay u
magacowdeen la kulanka wafdigan waxaana horkacayay gudoomiyaha
barlamaankashariif xasan sheekh aadan
kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno wasiiro ah oo aan ka
mid ahayn guddigii loogu tala galay in ay la kulmaan wafdiga caalamiga ah
waxaana ka mid ahaa wasiirka amniga qaranka maxamed qanyare afrax oo
gurigiisu uu kulanka ka dhacayay ,wasiirka ganacsiga Muuse suudi yalaxow
iyo wasiirka howlaha guud iyo guryeynta cisman xasan cali (caato)
kulankan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa in labada qeybood ay isu kala
gudbiyaan wax yaabaha ay dawlada ku meel gaarka ah ay ka qabatay gudaha
magaalada Muqdisho iyo sidii xubnaha muqdisho ku dhaqan looga caawin lahaa
howlaha nabadeynta ay ka wadaan xamar.
wafdiga ayaa ka codsaday xubnaha muqdisho ku suganin ay dar dar sii
galiyaan howlaha nabadaynta ah.
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.
|