Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in midowga yurub uu ugu deeqay lacag gaaraysa 40 milyan oo lacagta yurub ah.
 
raisulwasaaraha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Cali maxamed geedi ayaa maanta shaaca ka qaaday in dawladiisa loogu deeqay lacag gaaraysa 40 milyan oo lacagta yuurowga ah.
 ra'isulwasaaraha ayaa hadalkan maanta ka sheegay kulanka golaha wasiirada dawlada ku meel gaarka ah ee Sooomaaliya ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta dawlada.
 

kulankan maanta ka dhacay magaalada Jowhar waxa shir gudoominayay ra'isulwasaare geedi waxaana looga hadlayay nabadeynta magaalada muqdisho iyo dar dar gelinta howlaha dawlada ee wadanka Soomnaaliya oo dhan .

 geedi waxa uu sheegay in loo baahanyahay in caalamka loo muujiyo wax qabadka dawlada so howlahaasi loo gaarana loo baahanyahay in siyaasada dawlada lawada gaarsiiyo guud ahaan gobolada dalka.
 
markii uu kulanka golaha wasiirada soo gabagaboobay waxaa saxaafada la hadlay wasiirka warfaafinta maxamed cabdi xayir .mr xayir ayaa sheeegay in waxyaabihii maanta looga hadkay kulanka golaha wasiirada gebi ahaan la isku wada raacay asagoo tilmaamay in midowga yurub uu xafiis ka furanayo magaalada jowhar.
 
xafiis ka furaashada midowga yurub ee magaalada jowhar ma ahan mid cusun oo horey waxaa u jiray hadal ka oo kale ah oo kasoo yeeray ururka midoga afrika ka dib markii saraakiil ururkaasi ka tirsan ay booqdeen magaalada jowhar.
 
waxaa kaloo lagu waramayaa in magaalada jowhar ay xarumo ka furanayaan wadamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Masar ,Kenya ,Talyaaniga iyo wadamo kale.
laakiin haddii ay arintaa dhacdo waxaa laga yaabaa in uu cirka isku sii shareero khilaafka u dhexeeya xubnaha dawlada ee ku kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo muqdisho.
 
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.