|
Bayaan uu soo saaray Midowga Yurub oo lagu taageeray
Qorshaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee ku wajahan wadahadal uu la galayo
Wasiirada Muqdisho
Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay
inuu si buuxda u taageerayo hindisaha nabada ee Ra’iisal wasaaraha
Soomaaliya iyo isku daygiisa ku wajahan inuu wada xaajood la galo wasiirada
ku sugan magaalada Muqdishu ee fikir ahaan ka soo horjeeda tan Madaxweynaha
iyo inta kale ee labada Gole Dowladda kuna sugan Magaalada Jowhar.
Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in hindisahan uu yahay mid
wanaagsan isla markaana Midowga Yurub ugu baaqayo wasiirada jooga Muqdisho
inay aqbalaan wadahadalka.
Midowga Yurub waxa uu ku faraxsan yahay inuu xasuusiyo
dowlada Soomaaliyeed in wadamada caalamka ee deeqaha bixiya ay ogolaadeen
inay dhaqaale ku bixiyaan hindisaha nabada ee Ra’iisal wasaare Geeddi.
Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Midowga Yurub uu
aaminsan yahay in tani ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaadayo jihada xal
ka gaarista arrimaha la isku hayo ee ay isku khilaafeen hay’adah dowlada KMG,
isla markaana Midowga Yurub waxa uu isku dayayaa sidii uu meel mar u noqon
lahaa kulanka lagu wado inuu ka dhaco Muqdishu ee ay isugu imaanayaan
wasiirada is khilaafsan.
Waxa uu ku boorinayaa dhamaan Soomaalida inay ka
faa’iideystaan fursada hindisaha nabada, waxa uuna Midowga Yurub carabka ku
adkeeyey baahida loo qabo in dhamaan dhinacyada is haya ay meel iska dhigaan
khilaafka, si loo xaqiijiyo in golaha wasiirada,baarlamaanka iyo madaxda
kale ee dowlada ay ku shaqeeyaan wadajir iyo nidaam ku dhisan cadaalad iyo
is aaminaad.
Hase ahaatee Midowga Yurub waxa uu walaac ka muunjinayaa
warar dhawaan soo baxay oo sheegaya in dhaqdhaqaaq militari uu ka jiro qeybo
ka mida dalka Soomaaliya, taasoo Midowga uu ku sheegay mid kicinaysa xiisad
colaadeed.
Muxyadiin Cali Jmcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|