| Midowga Yurub
oo u soo Magacaabaya somalya Ergay cusub Xafiisna ay ka Furanaayaan
magaalada Jowhar, Madaxa arimaha horumarintra iyo gargaarka
biniaadanimada midowga Yurub Louis Michel, ayaa ka dhawaajiyay maanta in
golaha midowga yurub uu dhowaan ergay gaar ah u magacaabayo Soomaalia
islamarkaana xafiis uu ka furanayo magaalada Jowhar.
War saxaafadeed laga soo saaray xarunta midowga Yurub ee Brusels lana soo
gaarsiiyay nuql kamid ah Shabakdda warbvaahinta shebella ayaa lagu sheegay
in Louis Michel iyo Raiisul wasaare Geedi oo ku sugan magalada Brusells ee
xarunta dalka Belgium kulan ay qaateen ay diiradda ku saareen arimaha
horumarka ah ee dhowaantan laga gaaray dhinaca geedi socodka nabadda
Soomaaliya iyo weerarkii dhowaantan raiisulwasaare geedi loogu gaystay
magaalada Muqdisho.
Commissioner Michel ayaa ku adkaystay in Soomaaliya aanay xal u ahayn in
la sugo oo isha laga daawado islamarkaana xasilooni ka dhalata Soomaaliya ay
tijaabo u noqonayso istaraajiyadda cusub ee midowga yurub uu ku leeyahay
Afrika .
Mr, Michel wuxuu si aan gabasho lahayn u taageeray talaabooyinka uu
Raiisulwasaare geedi wado ee uu ku doonayo in wadahadaladu ay dhexmaraan
gudaha waaxyaha dowladda.
Louis Michel wuxuu shaaca ka qaaday in in kabadn €10 million oo Yuuro ah
loo qondeeyay kaalamada dowlada Soomaaliyeed si ay wax uga qabato arimaha
amaanka iyo deeganka, waxaa kale oo uu sheegay in goluhu uu siinayo lacag
dheeri ah oo gaaraysa € 49 million oo yuuro ah si loogu taageero barnaamijka
dib u dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya ee loo yaqaan (RDP).
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhamaan hogaamiyaasha dowladda inay meel iska
dhigaan farqiga u dhexeeya tusaalena ay ka dhigtaan taageerada midowga Yurub
isagoo ugu baaqay inay u adeegaan danaha waaxyaha dowladda iyo muwaadiniinta
Soomaliya.
Madaxa Midowga Yurub ee arimaha Horumarinta iyo gargaarka baniaadanimada
louis Michel wuxuu Cambaareeyay isku daygii la doonayay in lagu qaarijiyo
geedi ee ka dhacay Muqdisho 6 november isagoo sidoo kalena tacsi u diray
qoyskii ay ka geeriyoodeen 6 qofood oo weerarkaasi ku geeriyooday.
Dhinaca Kale ku xigaha xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka talyaaniga
Alfredo Mantica ayaa Raiisulwasaare Geedi ku booriyay inuu doorto habka ugu
wanaagsan ee xal loogu heli karo waaxyaha kala gedisan ee dowladda si loo
dhameeyo qilaafka jira.
Raiisulwasaare Geedi ayaa isgana dhinaciisa uga mahadceliyay dowlada
Talyaaniga kaalmada Dhaqaale ee gaaraysay 10 million oo Yuuro ah taasoo
Talyaaniga uu gar gaar ahaan uu u soo gaarsiyay Dowlada federaalka ah iyadoo
loo soo mariyay qaramada midoobay.
Muxyadiin Cali jimcalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|