|
Midowga Maxkamadaha Muqdisho ayaa shaaciyey iny gacata ku dhigeen ninkii
lagu ee deeyey inuu ka danbeeyey gowraca Laba Nin oo walaalo ah,
Gudoomiyaha midowga maxkmadaha islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh
Shariif Sheekh Axmed oo waramayey RSTV ayaa xaqiijiyay qabashada C/qaadir
Xasan Max'ed Dheere oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay gowricii
marxuumiinta Xaaji Saalaxa iyo Abuurkar oo dhowaan, iyagoo qalan meydkooda
laga helay agagaarka Jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha midowga maxkamadaha Muqdisho Sheekh Shariif ayaa waxa uu
sheegay in laga soo qabtey suuqa Darmooleey oo u dhaxeeya suuqa Xoolaha iyo
Ceel Carfiid oo ku yaala wadada Balcad.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan wax dhib ah kala kulmin
soo qabashadiisa, balse ay gacan ka geysteen dadka degaanka iyo waxgarad ka
damqaday falkii aragagaxa lahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay
jireen labo gaari oo tikniko ah oo u kireysnaa eedeysanaha balse la kala
badbaaday oo wax dhibaato ah aysan dhicin.
Gudoomiyaha midowga Maxkmadaha Muqdisho ayaa sheegay in ninka la soo
qabtay in uu ka baxsaday saldhiga degmada Yaaqshiid isla markaana uu sabab u
ahaa sii deynta 9 gacan ku dhiigle oo ku xirnaa xabsigaasi, waxa uu ku daray
in ninkaasi uu qeyb ka qaatay 40 afduub isla markaana uu jarjaray dad
jirkooda, waxa uuna sheegay in ninkaasi uu ahaa nin ay si weyn ugu
raadjoogeen.
Talaabada ay qaadeen midowga maxkamadaha Muqdisho oo ay ku
bartilmaameedsanayaan kuwa dhibaatada u geysanaya shacabka ayaa ah mid ay
taageero kaga heleen guud ahaan dadka ku nool magaalada Muqdisho.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somalia
|