Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Midowga afrika oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray xubnaha labada gole gaar ahaan wasiirka amniga qaranka.

Midowga Africa ayaa qoraal uu kasoo saaray xaruntiisa magalada Adis ababa waxaa uu ku sheegay in xafiiska uu uga furay magaalada Jowhar si uu horay ugu sii wado nabadeynta dalka Somalia.

Qoralka midowga Africa waxaa sidoo kale lagu sheegay in furitaanka xafiiska midowga Africa ee Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar ay qeyb ka tahay dadaallada uu midowga africa ku taageerayo isku dayga ugu danbeeya ee dowladda federalka ku mel gaarka ah ee somalia lagu soo dhisay oo la doonayo xukuummada dib u heshiisiin looga her geliyo dalkan ay dagaalada sokeeya halakeeyeen.

Midowga Africa oo sidoo kalana doonaya in ciidamo nabadgeliyada suga uu usoo diro dalka Soomaaliya ayaa xafiis waxaa dhawaan u ka furtay magaalada jowhar oo dowladda ku meel gaarka ahina ay xarun ka dhigatay tan iyo inta ammaanka magaalada caasimmadda ah uu kasoo wanaagsanaanayo.

'Hindisaha lagu furay xafiiskani waxaa uu la socdaa baahida loo qabo in la meeleeyo qaabab wanaagsan iyo macaahid midowga Africa uu ku xiriirin karo taageerada uu siinayo dalka Soomaaliya"ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska midowga Africa ee magaalada Adisababa.

Hadalka kasoo baxay midowga Africa waxaa uu si aad ah uga hor imaanayaa qoralkii shalay wasiirrada hubeysani ay gabagabadii kulan maalmo u socday kasoo saaareen.

Midowga Africa war murtiyeed kiisan kuma aanu sheegin inta ay dhammaaneyso tirada shaqaalaha uga howlgalaya xafiiska magaalada Jowhar iyo waliba howsha gaar ahaaneed oo ay qaabilsananayaan.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa bishii October ee sanadkii 2004-tii waxaaa lagu soo dhisay wadahadaladii nabadeynta ee ka dhacay dalka Kenya ,waxaana tani ay tahay isku dayga 14-aad ee la doonayo nabad iyo kala danbyen in lagula soo dabbaalo dalka Somalia oo fowdo iyo degenaasha la'aan ay qabqbalayaasha dagaalku hormuud ka ahaayeen dhexda kaga jiray tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay maxamed Siyaad barre 1991-kii

Laakin nasiib darro tan iyo markii ay dalka u soo guurtay sanadkan horraantiisii dowladdu waxaa ay ahayd mid kala qeybsan oo xubnaha qaar ay degenyihiin magaalada jowhar ,halka ku wa kalana ay fariisinka dhigten magaalada Muqdisho,tasina waxa arajo xumo ay ku abuurtay shacabka Somalida oo dadkii ay wax qabasho kasu gayeenay noqdeen kuwo dagaal xagga fikirka ahi uu ka dhex aloosmay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ,Ra'isulwasaare prof geeddi iyo xubno kale waxaa ay degeen magaalada Jowhar oo muqdisho ilaa iyo 90 kilo mitir ujirta waxaana ay leeyihiin Muqdisho waa meel aan nabadgeliyo lahayn oo aan mu habbooneyn in xilligan dowladdu ay timaado.

Laakin qabqbalayaasha dagaalka ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo Osman Cato uu ku jiro sida qoraalku uu u dhiganyahay iyo kuwo kale oo golayaasha dowladda ka tirsan ayaa fariisin ka dhigtay Muqdisho,iyagoo madaxweynaha iyo ra'isulwasarahana ku eedeynaya in ay ku guul darreysteen meel marinta heshiiskii la gaaray 2004-tii

Midowga Africa hatan waxaa uu beesha caalmka ka dalbanayaa in la qaado xannibaada dhinaca hubka ee saran dalka Somalia si uu suuragal uga dhigo hadafkiisa ah in ciidammo nabada ilaaiya uu usoo diro dalka Soomaliya.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com