Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wasiirka arimaha dibadda dowladda FS C/laahi Sheekh Ismaciil ayaa waxa uu ku ee deeye midowga Afrika in uu ka gaabiyay kaalintiisa ku aadan dadaalka cunaqabateynta hubka looga qaadayo Somaliya.

C/laahi Sheekh Ismaciil oo ka qeybglay kulan deg deg ah oo midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in midowga Afrika uu ku guuldareystay in uu fuliyo balan qaadkiisii ahaa in uu ka taageerayo xukuumadda Somaliya dhinacyada amaanka dib u dhiska Somaliya, isagoo sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan howlaha nabadda Somaliya ay yihiin waxa uu ku sheegay hakadka ku yimid ciidamo nabad ilaalineed oo Afrikan ah oo la keeno Somaliya, waxaana howshan is hortaagay ayuu yiri C/laahi Sheekh ismaciil Xayiraada dhinaca hubka ee golaha amaanka uu ku soo rogay Somaliya.

C/laahi Sheekh Ismaciil waxa uu tilmaamay in xukuumadda FS aaney si dhab ah u guda galin howlaha dhaqan celinta maleeshiyooyinka ku baahsan daafaha Somaliya, waxa uuna codsaday in midowga Africa uu qaado talaabooyin deg deg ah oo yididiilo abuureysa.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliya C/laahi Sheekh Ismaciil ayaa ku baaqay in la taageero xukuumadda Somaliya si xal looga gaaro muranada taagan sida uu qorey wargeyska alkhaleej ee ka soo baxa dalka imaaraadka carabta

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuu;a

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya