Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Midowga Afrika oo can baareeyey qaraxii Bam ee lala beegsaday R/wasaare Geedi

Bayaan laga soo saaray xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika ka xun yahay falkii lagu khaarijiin lahaa Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo 6-bishan xilli uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cisaley ee Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho.

"Waxaan ugu yeereynaa Soomaalida oo dhan inay joojiyaan rabshadaha oo ay adeegsadan waddooyinka Sharciga ah si ay uga qeyb qaatan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa"ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ALPHO CUMAR KONNARE waxaa uu cambaareyay falkaas lagu dili lahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaalya Cali Maxamed Geeddi kadib markii Miino mida la maamulo wadada loo geliyay taas oo markii qaraxaday dishay in ka badan 10 ruux 20 kalena dhaawacyo kala duwan soo gaarsisay.

Horey waxaa falkan u cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, iyadoo aan la sheegin cidda falkan ka dambeysay, laakiin Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya ayaa sheegay in falkan ay soo abaabuleen kooxo diidan waa sida uu hadalka u dhigay in Soomaaliya Nabad ka dhalato

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya