Meydkii Madaxweyne ku xigeenkii Sudan islamarkaasna ahaa
hoggaamiyihii jabhadda SPLA John Grang Mbiyor oo maanta loo duulinayo
foonfurta sudan ee Jubba
Kumanaan kun oo qof oo ka kala socda kaniisadaha kala
gedisan ee dalka kenya ayaa maalintii labaad waxay ku sugganyihiin
xafiiska jabhadda SPLA ay ku lahaayeen magaaladda nairobi halkaasi oo lagu
qabtay munaasabad loogu ducaynayo hoggaamiyaha geeriyooday ee John Grang
Mbiyor oo 60 jir ahaa
Munaasabadani oo ay ka soo qaybgaleen mas"uuliyiin sar sare
oo ka kala socday dawladda kenya,safaaradaha reer galbeedka iyo waliba
xubno ka tirsan jabhadda SPLA,ayaa waxaa halkaasi ka hadlay dhowr mas"uul
iyo waliba wadaadada madhabta katoliga oo goobtaasi uga akhiyey ducooyin
dhowr ah
Sanduuqa loogu talo-galay in lagu aaso madaxweyne ku
xigeenka sudan ahna hoggaamiyaha jabhadda ee SPLA ayaa waxaa la huwiyey
calanka dalka sudan,Waxaanna lagu wadaa in meydkiisa la geeyo Juba
halkaasi oo loogu talo galay in lagu buddhigo
Tan iyo markii uu geeriyooday John Grang Waxaa jirtay iska
hor imaadyo ka dhacayey meelo ka mid ah caasimadda sudan ee Khartuum
islamarkaasna ay jireen dad ku geeriyooday shaqaaqooyinkii ka dhacay
daafaha magaaladda Iyadoo ay jireen iska hor imaad-yo kale oo xagga
koonfureed ee dalkaasi ku dhex maray dad carab ah iyo dhalinyaro reer
koonfureed ah
Ammaanka magaaladda khartuum ayaa aad loo adkeeyey kadib
geeridii madaxweyne ku xigeenka waxaanna ilaa iyo shalay ku labo
raadlaynayey waddooyinka waawayn ee magaaladda khartuum ciidanka booliiska
ee loo yaqaanno GSU-da
Dhalinyaro faro badan oo ka qaybqaadanaysay qabshadihii ay
dadka badani ku dhinteen ayaa xabsiga loo taxaabay Iyadoo aan loo
aabayeelaynin kooxaha xasilooni darada ka wada gudaha magaaladda Sidaasina
waxaa sheeggay Saraakiil ka tirsan xukuumadda sudan
Jabhadda u dhaqdhaqaaqdo dadka reer koonfureed ah ayaa
waxay durbadiiba buuxiyeen jagadii uu ka geeriyooday John Grang oo muddo
ka badan 22 sanadood dagaal kula jiray xukuumadda sudan islamarkaasna
hoggaaminayey jabhadda SPLA,Taasi oo ay isku raaceen in ay u magacaabaa
jagadaasi Salva Kiir oo ahaa xubin aad ugu dhawaa hoggaamiyaha geeriyooday
Sikastaba ha ahaatee hoggaamiyaha geeriyooday ayaa waxaa
lagu wadaa in maalinta Sabtiga ah lagu aaso Jubba sida ay sheeggeen
guddigii loo xilsaaray aaska madaxweyne ku xigeenka sudan Mr John Grang
War hadda ina soo gaarayna waxuu uu sheeggayaa in
hoggaamiyaha cusub ee bedelaya John Grang uu kulan kula leeyahay
magaaladda Khartuum duplamaasiyiin maraykan ah iyo saraakiil ka socoda
qaramada midoobay,Waxaanna laga soo sheeggayaa magaaladda khartuum in ay
wali ka soconayaa iska hor imaadyadda u dhexeeya taageerayaasha
hoggaamiyaha geeriyooday iyo dad carab ah
Mursal Quulle RSTV
Xafiiska Nairobi
|