Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shir Jaraa’id Max’ed Dheere "Qaramada Midoobey arimaha Soomaaliya Dhex Dhexaad kama ah,Max’ed Qanyare waa Daroogiiste ka beec mushtara Xashiidada, Awood iyo karti uma laha inuu meel ka mid ah G/Sh/Dhexe soo weeraro.

Warsaxaafadeed saakay uu soo saaray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/Dhexe Max’ed Cumar Xabeebe "Max’ed Dheere" ayuu ku cambaareeyay ninka u qaabilsan qaramada midoobay arimaha soomaaliya iyo wasiirka amniga qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

Shirkan Jaraa’id oo uu maanta soo saaray Max’ed Dheere ayaa waxaa uu ku sheegay in Qaramada Midoobay oo arimaha somaliya aanu dhexdhexaad ah ka ahayn,Maxamed Dheere ayaa wax uu sheegay in farriintan uu gudbinayo ay tahay mid uu gaarsiinayo caalamka oo dhan gaar ahaan madaxda sare ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Dheere waxa uu tibaaxay in Wakiilka Unka ee Somaliya iyo Qanyare ay yihiin Heshiis ayna doonayaan inay Majixaabiyaan Dowladda taasoo uu ku tilmaamay Aqbalidda Un-ka ee Hadalka Maxamed Qanyare iyadoo Magaalada Jowhar ay ku sugan yihiin Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

Gudoomiye Max’ed Dheere ayaa waxa uu sheegay mar wax laga weydiiyay Shirka Degmada Balcad lagu qabanayo ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Balse Qanyare aanu Awood iyo karti aanu ku lahayn meel kamid ah Gobolka Sh/Dhexe.

Maxamed Dheere ayaa waxa uu sheegay in Dowladda KMG ah ay Deggan tahay Gobolka Sh/Dhexe si nabad ahna ku deggenaan doonto iyada oo isku fidin doonto dalka Somaliya ayuu yiri Max’ed Dheere.

Max’ed Dheere ayaa yiri "Maamulka Gobolka Sh/Dhexe wuxuu helay xog rasmi ah oo la xiriirta in xafiiska siyaasada ee UN ee ku leeyahay magaalda niarobi uu isticmaalayo Maxamed Qanyare Afrax mar kastana kula taliyo in uu qabto shir jaraid oo sheegayo in magaalada jowhar la soo weerari doono, arintasi oo uu ku majinxaabinayo xafiiska dowlada federaalka soomaaliya si uu ugu beec mushtiro dhaqaalo ahaan shaqsiga wakiilka ka ah xafiiskaasi, hadaba waxaa taariiq xumo ah in cid sheeganeyso wakiil UN-ah in ay la shirkowdo shaqsiyaad ku caan baxay iibinta daroogada sida Maxamed Qanyare afrax mana awoodo ab iyo isirna uma laha in uu faragilyo nabadgalyada Gobolka Daroogiiste Maxamed Qanyare Afrax waa sida uu hadalka u dhigayee Max’ed Dheere, waxaan leenahay "gabooy goob hareed matagee geed tage guraad barko".

Max’ed Dheere ayaa sidoo kale sheegay inuu xusuusinyo xafiiska wakiilka xoghayaha guud ee soomaaliya shaqsiga madaxda ka ah in uunan danaheyna ku carqaladeyn karin shaqsiyaad aan horay u isticmaali jirnay oo ah Maxamed Qanyare Afrax iyo kuwa lamidka ah.

Waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka in Gobolka Shabeelaha Dhexe uu nabad yahay nabadna ahaan doono Dowlada Soomaaliyana ay ku sugnaan doonto Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Dowladda.

Max’ed Dheere ayaa waxa uu yiri "waxaan awoodeenaa ku fidin doonaa Dalka Soomaaliya oo dhan si kama dambeys ah iyadoo ku shaqeyneysa rabitaanka shacabka soomaliyeed isla markaana balan qaadeysa iney sharciga horkeeneyso daroogiistayaasha ay isticmaalaan shisheyaha

Muxyadiin Cali Jmcaalle j

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya