|
Maxamed dheere oo sheegay inay Hub la imaan karaan wax shaqo ahna ay ku
lahayn Qaramada Midoobay
G. Maamulka Siyaasada Gobolka Sh Dhexe Maxamed Cumar
Xabeeb (M.Dheere) ayaa uga digay Qaramada Midoobay inay soo farageliso
heshiisyada Dowladda Federaalka la galayso dowladaha kale ee Caalamka,isagoo
sheegay Maxamed Dheere in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay inay soo
iibsato hub ama ay ku hesho si Saaxiibtinimo ah.
Maxamed Dheere ayaa yiri” cid kala tashanayso Qaramada
Midoobay ma jirto in dowladda Soomaaliya hub soo iibsato,wuxuuna diiday inuu
caddeeyo wararka sheegayay in Addis ababa u tageen isaga iyo Wasiirka
Iskaashiga Caalamiga ee soomaaliya arrimo ku saabsan hub dowladda Itoobiya
siisay Soomaaliya.
Maxamed Dheere waxaa uu xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya
Baabuurta Ciidamada kala soo degtay Dekedda Ceel Macaan,isagoo sheegay in
baabuurtaas ay yihiin kuwa ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyed.
Isagoo ka hadlayay go’aan ka soo baxay xubnaha Labada
gole ee Jooga Xamar kaas oo sheegayay inay guddi u magacabeen hubka faraha
badan ee Maalin walba soo gala dalka ayaa waxaa uu yiri”Ragga Muqdisho jooga
waa Jaajusiin, waxay basaas u yihiin dowladu shisheeye.
MUXYADIIN CALI JIMCAALLE JAKUULA
JAKUULA@HOTMAIL.COM
MUQDISHO SOMALIYA
|