Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Maxamed dheere oo sheegay in dhibaatada somaliya ay kadagi la' dahay C/qasim iyo Yuusuf Indha cadde
 
Hadalakan ayaa uu u  jeediyay dad iskugu soo baxay degmada Mahadaay oo hoos tagta mamulka oo gudoomiyaha uu u yahay Maxamed  Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" waxaana uu ku daray dhibaatada ka taagan koonfurta Somaliya ay masuuliyadeeda leeyihiin  madax weynihii hore ee  TNG-da iyo Indhacade
 
 
Maxamed Dheere ayaa waxaa kale oo uu sheegay dhibaatada lagu hayo dadka ku nool koofurta Somaliya ay tahay mid sii kala fogaynaysa isu soo dhawaanshaha shacabka Somaliyeed isagoo intaa raaciyay in haatan ay ka socdaan koofurta Somaliya dhul boob hor leh. Maxamed Dheere ayaa tibaaxay  Sh. Yusuf Indhacade  in uu wakiil uga yahay bur burinta qaranka Somaliyeed madaxweynihii hore ee TNG da Dr C/qasim salad Xasan . Maxamed Dheere ayaa sheegay sidoo kale dhulka uu kataliyo inuu yahay mid uuu u dhashay balse aanan boob ku haysan sida gobolka shabeeladada hoose uu  Yusuf indha cade uu xooga ugu haysto waa sida uu hadal ka u dhigaye.
 
Maxamed Dheere ayaa xiligas iska fogeeyay dhibato uu ka gaystay deegaanada Miirtaqwo ee gobolka shabeelada dhexe isagoo ugu yeeray holgal la doonayay in nabada lagu soo celiyo laga waday deeganadaas.  
 
 
 
Moxidiin Cali Jimcale Jakuula.
 
 
Mogadishu, Somaliya.