| Maaamulka
Maxamed Dheere oo lagu ee deyey inuu ku soo Xadgudbay deegaano katirsan
gobolka Hiiraan Maamulka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa
waxa ay maanta ugu hanjabeen Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max'ed Cumar
Xabeeb Max'ed Dheere in hadii uusan ciidamadiisa uusan kala bixin gobolka
Hiiraan aysan gacmaha laaban doonin.
Gudoomiyaha degmada Buulo Burde Cabdi Iiidow Sabriye oo maanta shir
jaraa'id ku qabtey gudaha magaaladaasi ka dibna u waramay RSTV ayaa waxa uu
sheegay in ay jiraan ciidamo taabacsan maamulka max'ed Cumar Xabeeb Max'ed
Dheere in ay ku jiraan degaano ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada
Jalalaqsi iyo degaano kale.
Waxa uu sheegay in mudo ah ay kala hadleen arinkaasi maamulka isla
markaana ay ka dhaga adeegeen, isagoo tilmaamay in cidamadaasi ay ka qaadaan
lacago canshuuro ah dadka degaanka iyo waliba gaadiidka.
Waxa uu xusay in arintaasi ka maamul ahaan aysan dib u eegan
doonin,iyagoo ugu baaqay maamulka Max'ed Dheere in ciidamadiisa ay kala
baxaan degaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.
Cabdi Idow waxa uu sheegay in digniin kama dambeys ah ay tahay arintaasi
haatan ka dibna aan loo dulqaadan doonin.
Gudoomiyaha degmada Buulo Burde Cabdi Iidow waxa uu intaasi kud aray in
ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala gobolka Hiiraan marka laga reebo
wadada laamiga ah.
Waxa uu ka gaabsaday in waxa ay ku xireen ay yihiin ciidamo ka tirsan
maamulka gobolka Hiiraan balse waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay howl
ciidan, isagoo uga digay dadka iyo gaadiidka in ay ka digtoonaadaan soo
maritaanka wadooyinka gobolka Hiiraan.
Cabdi Iidow waxa uu sheegay in maamulka ka jira gobolka Hiiraan ee uu
madaxda ka yahay Dabageed in ay la shaqeynayaan balse aysan jirin wax dowlad
Federaal ah oo ku sugan magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo wada Shaqeyn ay
kala dhaxeyso maamulkiisa, isagoo ku tilmaamay in Jowhar ay tahay
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|