Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxkamadaha Magaalada Muqdisho oo weeraray Shineemo kale

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa xalay howlgal ay fuliyeen waxay ku weerareen Shaneemo ku tiilay Isgoyska Afisyoni ee degmada Waabari,iyagoo halkaasi ka qaatay qalab kala duwan oo ay mid yihiin matoor kuwa dabka dhaliya iyo qalab kale.

Rasaastii halkaasi ka dhacday ayasan cidna wax ku noqon inkastoo saakay la arkayay isgoyska Afisyoone oo dhalinyaro xaafadaasi degan ay soo baxeen taayarona ay ku gubeen, iyagoo diiday in guud ahaan la maro wadadaasi.

Waxaa jira warar kae oo sheegayo in howlgalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan hal ruux labo kalena ay ku dhaawacmeen,laakiin ilaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta warkaas.

Dhinaca kale Sheekh Shariif oo ah Gudoomiyaha maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho oo ka waramayay arintaasi ayaa waxa uu sheegay in ay si nabdoon uu ku soo dhamaaday howlgalkaasi isla markaana aysna jirin wax dhibaato ah oo halkaasi ay kala kulmeen, waxa uu sheegay in halkaasi ay ka soo qaadeen matooro, dhalooyinka Vedio isla markarkaana ay soo xireen shineemadaasi.

Waxa uu meesha ka saaray in alaabtaasi ay iska leeyihiin dad rayid ah oo aan aheyn kuwa shineemada, waxa uuna sheegay in ay cadaan doonto cida iska alaabahaasi

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya