|
Maxkamadaha gobolka Banadir ayaa markii ugu horeysay soo saaray khudbooyin
qoraalo ah oo ay ugu talo galeen salaada ciida ka dib kulan ay maanta ku
yeesheen xarunta maxkamada warshada Caanaha.
Kulanka maanta ay yeesheen midowga maxkamadaha islaamiga gobolka Banadir
oo ay ka soo qeybgaleen khadiibyada masaajidyada magaalada Muqdisho ayaa
looga hadlay arimo badan oo la xiriira sidii halmar loo dukan lahaa salaadda
ciidda iyo si hal khudbo oo ka hadleysa wacyiga dalka looga jeedin lahaa
masaajidyada iyo goobaha kale ee salaadda Ciida lagu tukanayo.
Qoraalka Khudbadan oo ka kooban 3 bog isla markaana ay soo diyaariyeen
qaar ka tirsan khadiibyada Muqdisho ayaa loo qeybiyay ilaa 40 masaajid oo
kulankaasi wakiilo ka socday ay ka qeybgaleen, iyadoo masaajidyadii aan ka
soo qeybgalin kulankaasi khudbooyinkaasi loo dhigay ilaa 3 masaajid oo ku
yaala magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha midowga
Maxkaamiinta Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u jeedada
khudbadaasi ku sheegay in ay tahay sidii umadda Soomaaliyeed ay isku cafin
lahaayeen iyo sidii si wada jir ah looga soo horjeesan lahaa waxyaabaha
munkarka aha ee diinta ay ogoleyn.
Khudbada maanta loo qeybiyay khadiibyada magaalada Muqdisho oo ay ku
xusneyd wax qabadkii maxkamadaha ee Bishaan Ramadan ayaa hadana waxa ay ku
booriyeen shacabka Soomaaliyeed in ay si wada jir ah u ciidaan.
Maxkamadaha ayaa waxa ay sheegeen inmaalinta ciida ah si buuxda loogu
dukan doono fagaaraha Istadio Muqdisho oo ay isugu imaan doonaan dad aad u
fara badan, waana markii ugu horeysay oo maxkamadaha ay qeybiyaan qoraalo
nuucaan oo kale ah oo loogu talo galaya in si wada jir ah looga jeediyo
masaajidyada iyo goobaha kale ee lagu tukanayo salaadda ciida.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmali.com
muqdisho somaliya
|