Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulan xasaasi ah oo maanta ay yeesheen Midowga Maxkamadaha Muqdisho

Kulan looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa qataraha nabadgalyo iyo mida dhaqan ee ka jira dalka Somaliya ayaa ka dhacay Hotelka nabada ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen golaha sare ee midowga Maxkamadaha islaamka Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga hadlay dhibaatada aflaanta hindida iyo kuwa kale ee laga daawado shineemooyinka ku yaala xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo goobtaasi lagu soo bandhigay cajalado ay ku duuban yihiin aflaan ay ka muuqato dhaqan xumo, kuwaasi oo ay soo qabteen ciidamada midowga maxkamadaha islaamiga holwgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Hadaba Gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay howlihii ay qabteen bishii Ramadan, iyagoo sheegay in albaabada ay u laabeen shineemooyin laga daawan jirey Filimaan laga helo anshax xumo ee ku yaalay magaalada Muqdisho.

Dr.Max’ed Dheere oo ka howlgala isbitalka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dad lagu soo qabtey dhaqan xumo ay ka heleen cudurka dilaaga ah ee HIV Aids, waxaa kale oo ka hadlay Ganacsatada Muqdisho oo iyagu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan Midowga maxkamadaha Muqdisho.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culuma'udiinka Soomaalia sida Weyn looga qadariyo oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in si ficil ah wax looga qabto balse aysan noqon howluhu kuwa ku ekaaada afka iyo shirarka.

Gabagabadii waxaa kulankaasi lagaga dhawaaqay Gudi soo diyaariya holwaha ay qabanayaan midowga maxkamadaha magaalada Muqdisho, iyadoo midowga Maxkamaduhu ay balan ku qaadeen in gudigaasi ay la shaqeyn doonaan isla markaana ay fulin doonaan waxyaabaha ay u soo jeediyaan.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya