|
Maxkamadaha oo sheegay inay weerarayaan Hotel Saxafi
Gudoomiyaha maxakamadda Al furqaan oo ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa
waxaa uu sheegay inay weerarayaan hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kadib
markii maliishiyaadka hotelku ay qabsadeen gaari kuwa dagaalka ah oo ay
lahaayeen Maxkadaasi,.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maliishiyaadkaasi oo uu sheegay
inay ka amar qaataan Ganacsade C/rashiid ilqeyte ay kala wareegeen bartii ay
ku lahaayeen Km 4,isla markaasina waxaa jira dhaawac loo geystay
ciidamadeena ayuu sheegay, waxaana uu carabka ku adkeeyay inay weerari
doonaan Hotelka Saxafi iyo dhamaan hantida ganacsadaha haddii aan si dhaqso
ah loogu soo celin gaaddiidkoodii.

Arintan ayaa ka dhalatay xalay markii Maxaakiimta islaamigu ay isku
dayeen inay qabsadaan xarun shineemo ah hase ahaatee uu dagaal ku dhex maray
maxaakiimta iyo dableydii shineemada oo ku taalay agagaarka Trebiano.
Si kastaba ha ahaatee waxaa socda dadaalo ay wadaan qaar ka mida
saraakiisha beesha maxkamadda Al furqaan, kuwaasi oo doonaya inay
qaboojiyaan xiisaddan kacsan iyagoo labada dhinac u kala dabqaadaya.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|