Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

                     Maxamed dheere oo u duulay Itoobiya

Wararka aanu ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee manta ay halkaasi ka duuleen Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/risaaq jurrile iyo Gudoomiyaha Maamulka shabeelada dhexe Maxamad dheere.

Wafdigan ayaan illaa haatan la shaacin waxyaabaha ay u aadayaan dalkaasi hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maxamad dheere uu doonayo inuu kulan la qaato u qeybsanaha arimaha argagaxisada ee dalka Mareykanka ee dalalka geeska afrika oo sida la sheegayo ku sugan magaalada Adisababa ee dalka Ethiopia.

Dhinaca kale waxaa iyaguna manta isla gelinkii danbe u duulay dalka yemen abaanduulka ciidamada qaranka Soomaaliyeed Jeneraal Ismaaciil Qaasim Naaji iyo xubno la socda, waxaan safarkoodu la xiriiraa sidii ay dowladda Yemen uga heli lahaayeen lebiska Ciidanka hoos yimaada.

Xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa horay ugu eedeeyay dowladda Ethiopia iyo Yemen inay ku xadgudbayaan qaraarkii qaramada midoobay ay cunaqabteynta hubka ku saartay soomaaliya horraantii sagaashamaadkii.

muxyadiin cali jimcalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho Somaliya