Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Maxamed Dheere”Cumar Xaashi Waxaan ugu tagayaa meeshii uu joogo,

Maxamedd Cumar Xabeeb (Max’ed dheere) ayaa sheegay in xaaladda nabadgelyo ee gobolka Sh/dhexe ay tahay mid aad u wanaagsan, ayna maleeshiyooyinkiisu ku raad joogaan nin gacan ku dhiigle ah oo dhowaan tuulada Miirtuugo ku dilay guddoomiyihii tuuladaasi, wuxuuna xusay in ninka dilkaasi geystay uu ku dhuuaaleysanayo halka lagu magacaabo Gumad waa sida uu sheegay Maxamed Dheere oo ka hadlayay dagaalka uu dhawaan ka dhacay tuulada Miir-toogo iyo ka bixitaankii hay’adaha Qaramada Midoobay kaga baxeen magaalada Jowhar.

“Jowhar waxaa soo gaaray ciidamadii Qaranka, waxayna isugu jiraan 1200 oo ka yimid Puntland 800 oo Hiiraan ah, 400 oo Galguduud ka timid iyo 2000 waxaa diyaariyay Gobolka Shabeelaha dhexe”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay inuu Cumar Xaashi ugu tagi doono Hotel Saxafi, kadiba tallaabo ka qaadi doono waa sida uu yiri Maxamed,iyadoo halkaas loo arkay mid hanjabaad ah oo la mid ah waan weerarayaa.

““Ma ahan arrin sahlan in la soo weeraro Jowhar, warka uu yiri Cumar Xaashina waxaa laga doonayaa in uu meel saaro, waana lala xisaabtamayaa ninkaasi oo meeshiisa ayaan ku soo weerareynaa ee hadduu uu rag yahay ha i sugo” ayuu yiri Max’ed dheere oo gaashaanka ku dhuftay in Muqdisho ay joogaan xubno ka tirsan labada gole, wuxuuna tilmaamay in xubnaha Xamar jooga ay yihiin shaqsiyaad haysta baasaboor ajnebi ah kuwsoo uu sheegey iney doonayaaan somaliya aysan dowlad ka dhalan

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Mqdisho Smaliya